Wasiirka Warfaafinta Somalia Oo Ka Hadlay Qarax Ka Dhacay Muqdisho

Muqdisho  (SL.Post) Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, ayaa sheegay in ciidamada amniga ay ka hortageen ujeedka lala damacsanaa qaraxii maanta.

 

MAAREEYE

 

“Aniga Hotelka ayaa joogay dhaawac fudud baa i gaadhay, waxaa Hotelka ka socday labo shir ” ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya

 

s2-2

Wasiir Maareeye ayaa ka codsaday beesha caalamka in dowladda gacan lagu siiyo sidii loo cirib tiri lahaa dhagar qabayaasha Al-Shabaab, isagoo ammaan ujeediyay ciidamada amniga ee ka hortagay falkii ay damacsanaayeen maleeshiyada Al-Shabaab.

s4-1

Wasiirka  ayaa ugu horeyn tacsi u diray Umadda Soomaaliyeed dadkii ku nafwaayay qaraxii ka dhacay inta u dhexeysa afaafka  hore ee Madaxtooyada  iyo Hotel SYL,  waxaanu ALLE uga baryay kuwa ku dhaawacmay in uu bogsiiyo.

s3-2

“Wasiirka dekadaha iyo wariyeyaal dhowr ah oo ka tirsan Warbaahinta Qaranka ayaa dhaawacyo muraayado ku saabsan ay soo gaadheen, xaaladooduna way fiicantahay, hadda Alxamdullih, waxaana Alle uga baryayaa in uu bogsiiyo” ayuu yidhi Wasiir Maareeye.

 

s7

Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Maareeye waxa kale oo uu ka hadlay masuulyiinta  ku dhawacmay qaraaxsi

 

 

 

 

Halkana ka daawo.

 

 

Somalilandpost.net