Wasiirka Shaqo-Gelinta Somaliland oo Ka Hadashey Darbi-jiif La Xukumay Iyo Natiijada Socdaal Shaqo oo Ay Dalka Dibaddiisa ku tagtay

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Shaqo-gelinta iyo Arrimaha Bulshada Marwo Hinda Jaamac Xirsi, ayaa ka hadashay Dhalinyaro darbi-jiif ah oo maanta xukun lix bilood ah lagu riday, iyadoo markii lagu eedeeyey inay falal ammaan-darro ku kaceen, kaddib markii ay bannaan-bax ka horsameeyeen wasaaradda Arrimaha Bulshada.

 

Marwo Hinda Jaamac waxa ay sharraxaad ka bixisay dambiga loo xidh-xidhay iyo xukunka lagu riday dhalinyaradaas oo tiradoodu dhan tahay 24 balse markii dambe qaarkood loo sii daayay sababo la xidhiidha inaanay qaan-gaadh ahayn. Wasiirku waxa ay sheegtay in dhalinyaradani ku kaceen tallaabo qaldan oo amniga iyo kala-dambaynta dowladnimo ka hor-imanayso, sidaas awgeedna ay maxkamaddu ka gudatay waajibkeeda, xukunka lagu ridayna uu yahay mid dhaqan-celis ah.

 

Dhanka kale, Wasiir Hinda Jaamac Xirsi waxa ay faahfaahin ka bixisay natiijada socdaal shaqo oo ay dhawaan ugu baxday dalalka Kenya iyo Itoobiya, halkaas oo ay kulamo kala duwan kula soo qaatay masuuliyiin sar-sare oo ka socday hay’adaha deeqaha bixiya ee todoba waddan oo xidhiidh wada-shaqayn ahi ka dhexeeya xukuumadda Somaliland.

 

Wasiirku waxa ay arrimahan kaga hadashay waraysi ay maanta xafiiskeeda ku siisay weriye ka tirsan telefishanka Bulsho.

 

MUUQAALKAN HOOSE KAGA BOGO XOG-WARAYSIGA WASIIRKA