Wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo Barta Internetka ka samaysay Bog (blog) ay Bulshada ka wada Xidhiidhi karaan

Wasiir xirsi_WebHargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Md Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa barta Internetka ku samaystay Bog uu ugu talo-galay inay ka wada-xidhiidhaan Qaybaha kala duwan ee Bulshada gaar ahaan Dhalinyrada.

Bogggan uu wasiirka Madaxtooyadu ka samaystay Barta Internetka oo ciwaankiisu yahay guusha.com, ayaa  loogu talo-galay in muwaadiniinta dalku si toos ah ugula Xidhiidhi karaan Wasiirka, iyaga oo su’aalo weydiinaya ama talo iyo tusaale wixii ay hayaan u marinaya.

Qoraal kooban oo uu Wasiirku soo saaray, kulana lifaaqnaa shaacinta Barta Internetka ee Md Xirsi, ayaa u dhignaa sidan: “Sida aan wada ognahay Xog-wadaaggu waa laf-dhabarta xidhiidh wanaagsan oo dhex mara Bini’amka, hadana waxaa hubaal ah in mashquulka adduunku sababay in dad is jeclaa kala mashquulaan, balse taasi meesha kama saarayso in siyaabo kale duwan la heli karo oo la isku helo.

Waxaan Blog-gan u sameeyey in aan Fikiradaheena isku waydaarsano, is-toosino waxna isku tilmaamno.”

Waa markii u horreysay ee Masuul ka mid ah Xukuumadda Somaliland barnetka Internetka ku yeesho bog (Blog) u gaar ah oo ay ka wada-xidhiidhaan Bulshada qaybaheeda kala duwan, waxaanu u muuqdaa mid wax ka tari karta isla markaana shacabku tabashooda la wadaagi karaan Madaxtooyada, maadaama uu yahay Masuulka ugu dhow madaxweyne Siilaanyo.

Dhanka kale, Wasiirka Madaxtooyada oo qaybo bulshada ka mid ahi siyaabo kala duwan dhaliilo u jeediyaan, ayaa boggiisan cusub ee u gaar ahi noqon karaa mid ay aaraa’ iyo fekerro isku weydaarsan karaan bulshada halka kuwo kalena dhaliilihiisa u marin doonaan.

Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa isagu ciwaan uu shacabka kala xidhiidho ku leh Bogga Bulshadu ku xidhiidho ee twitter.com, kaas oo uu si aan joogto ahayn ugu baahiyo arrimo ku saabsan siyaasadda horumarka iyo arrimo kale.

SOMALILANDPOST.NET