Wasiirka Madaxtooyada oo soo Kormeeray Khasaaraha Roobku U Gaystay Jidka Hargeysa iyo Berbera Isku Xidha

Hargeysa(SLpost) – Xukuumadda Somaliland ayaa wefti uu hogaaminayo wasiirka madaxtooyada Somaliland u dirtay jidka isku xidha Hargeysa iyo Berbera oo roobabkii shalay waxyeelo gaadhsiiyeen. Weftiga ayaa indhahooda ku soo arkay dhawr meelood oo waxyeello gaadhay.

 

Jidka Berbera iyo Hargeysa ayaa ah mid muhiim ah islamarkaana halbowle ah, kaasi oo isku xidha magaalada caasimadda ah ee Hargeysa iyo magaalo dakadeedda Berbera ilaa bariga Somaliland. Waxaa isticmaala gaadiid tiro badan oo xammuul sida iyo kuwo danaha shacabka u socda.

 

Jidkan Hargeysa iyo Berbera wuxuu ka talabaa dooxyo badan oo aan lahayn Biriijyo la dulmaro ama dhuumo biyuhu hoos maraan, balse Laamiga ayaa dooxa toos uga talaaba, taasi oo sababta khasaare badan oo ka dhaca marar badan, kaasi oo naf iyo maalba leh.