Wasiirka Madaxtooyada oo ka hadlay Qorshe lagu higelinayo Halbeeg jaan-goynaya Dhismaha Waddooyinka dalka

“Diyaarinta Qabyo-Qoraalka Halbeega Waddooyinku Dalku Waa Talaabo Horumar ah oo Horay loo Qaaday”

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Md Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa tafaasiil ka bixiyey qorshe dawladdu ku hirgelinayo halbeeg loo raacayo dhismaha waddooyinka dalka kaas oo hawsha diyaarintiisa lagu gudo-jiro..

road designWakaaladda Horumarinta Waddooyinka Somaliland oo kaashanaysa hay’adda ILO, ayaa kulan-hawleed maanta lagu qabtay magaalada Hargeysa ku soo bandhigay buugaag loogu talo-galay inay halbeeg lagu sar-goyn doono tayada iyo noocyada waddooyinka dalka laga hirgelinayo.

Md Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa qoraal uu ku baahiyey barta uu internetka ku leeyahay ku faahfaahiyey qorshaha lagu hirgelinayo halbeegga loo samaynayo dhismaha waddooyinka iyo Xeerka Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka oo uu sheegay in gacanta lagu hayo.

Qoraalka wasiirku arrintan ka hadlay, ayaa u qornaa sidan: “Diyaarinta Qabyo-Qoraalka Halbeega Waddooyinku Dalku Waa Talaabo Horumar ah oo Horay loo Qaaday “Roads Standard Manuals”

Waxay ahayd maanta kadib markii kulan hawleed qaadan doona maalmo aanu ku daah furnay buuggaag qabyo-qoraal ah “Draft” oo looga gol leeyahay horumarinta iyo hagaajinta Waddooyinka dalka.

Talaabadani Waa bilow wanaagsan oo Waddooyinka dalkeena ka socda loogu dejin doono Halbeeg la raaco oo laga siman yahay.

Bandhiggan maantu (shalay) waa bilow qabyo-qoraal ah, waxaanan ka codsanayaa cid walba oo tallo, toosin iyo tilmaam-ba haysa in ay ku soo darto Anaguna Waanu Qiimaynaynaa Taageeradiina Waanan Qaadanaynaa Talooyinkiina.

Waxaan bogaadinayaa Hay’adda ILO oo kaashanaysa Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka Somaliland “RDA” oo qabyo-qoraalkan gacan wayn ka gaysatay.

Buugta ayaa ka kooban:

1- #Pavement Design- Manual “Volume 1”

2- #Pavement Design Manual “Volume 2”

3- #Pavement Design Manual “Volume 3”

4- #Geometric –Design – Manual

5- #Drainage Design Manual

6- #Bridge Design Manual

7- #Road Furniture Manual

Sidoo kale waxaa gacanta lagu hayaa xeerkii Waddooyinka dalka “Somaliland Roads Act” oo marka uu dhammaado Wakaaladda u diyaarin doona in ay noqoto Hay’ad Madax banaan oo lugaheeda isu taagta, waxaanu ku dedaalaynaa in Waddooyinka dalku noqdaan kuwo leh:

– Road Standard Manual

– Policy and Procedure

– Somaliland Roads Act

Kuwaas oo dhamaantood taageeri doona hanaanka Waddooyinka dalka oo dabcan ah muftaaxa horumarka.

Waxaa dhab ah horumarka dalkeena ka socda ee dhinac walba leh in uu u baahan yahay Aqoontiina, Taladiina iyo Taageeradiina, hadaba, aynu dhamaanteen gacan ka gaysano taabo gelinta Qarankeena iyo Xaqiijinta Himiladeena,” ayuu wasiirku ku sheegay qoraalkiisa.

SOMALILANDPOST.NET