Wasiirka Madaxtooyada oo Golaha Wakiillada Hor-geeyey Xeer Xukuumaddu Cashuur-kordhin ku samaynayso Dhoofka Xoolaha Nool iyo Waddo-marista (DHEGAYSO)

xirsiHargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Md Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa maanta markii labaad todobaad gudihii hortagay Golaha Wakiillada oo uu ka jeediyey warbixin la xidhiidha Hay’adda Horumarinta Waddooyinka oo madaxweyne Siilaanyo digreeto ku hoos-geeyey Wasaaradda Madaxtooyada.

Fadhiga maanta oo uu shir-guddoominayey Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, waxa uu Md Xirsi horgeeyey isla markaana golaha ka codsaday inay ansixiyaan Xeer jidaynaya kordhis lagu samaynayo Cashuurta Xoolaha nool ee dalka laga dhoofiyo iyo cashuurta waddo-marista, haseyeeshee waxa loollan taageero iyo mucaaradad ahi madasha ku dhex-martay xildhibaannada muxaafadka ah iyo kuwa mucaaradka ah ee Golaha Wakiillada, taas oo keentay muran iyo qas ku yimigeeddi-socodkii fadhiga iyo Su’aalihii ay mudaneyaashu weydiinayeen Wasiirka.

DHEGAYSO

Xirsi cali

SOMALILANDPOST.NET