Wasiirka Madaxtooyada Oo Dhaqaale U Adeegsanaya Warbaahinta Soo Bandhigta Dhaliishiisa Iyo Heshiiska DP World

Hargeysa  (SL.Post) Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa xoguhu sheegayaan inuu dhaqaale ku bixinayo Warbaahinta hadal qoraalka ah gaar ahaan Wargeysyada iyo Mareegaha ee shacbiga u soo bandhiga dhaliisha loo jeediyo masuuliyadiisa iyo saluuga ay bulshada qaar ka qabaan heshiiska Dekeda Berbera ee dhawaan ay Golaha Wakiillada Somaliland ansixiyeen.

 

IMG_F65488-9A4174-2DFEED-EAD285-E80066-663E38

 

 

 

 

 

 

 

Barnaamikan dhaqaaluhu xambaarsan yahay ee Wasiir Maxamuud Xaashi uu u adeegsanayo Wargeysyada iyo Mareegaha ayaa wararku intaas ku darayaa inuu yahay  mid uu ku doonayo inay shacbigu war-moogayaal ka noqdaan dhaliisha hoggaamineed ee Xukuumadda KULMIYE  iyo mad-madow laga muujiyay heshiiska DP World oo uu ka mid yahay guddida Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay masuuliyada heshiiskaasi.

 

 

Tibaaxaha ayaa intaas ku daraya in arrintani ay ismaandhaaf dhalisay oo Wasiirka warfaafinta  Cismaan Cabdilaahi  Saxardiid (Cadaani) ku dooday inuu  isagu leeyahay masuuliyada iyo la xaajoodka warbaahinta, balse uu Wasiir Xaashi ku adkastay go’aankiisa oo gacanyareyaal u qaabilsan la socodka dhaliisha looga jeediyo warbaahinta u xil saaray dhaqaalahan lagu dadayo heshiiska DP World.

 

 

Qorshan Wasiirka Madaxtooyadu wato ayaan Ururka SOLJA aanu ilaa hadda ka hadlin Barnaamjiyadan ka dhanka ah Warbaahinta oo uu hore War-murtiyeedyo uga oo saaray in aanay Saxaafadu ku milin arrimaha beelaha iyo hirdanka siyaasaded ee siyaasiyiintu ku loolamaan.

 

 

 

Somalilandpost.Hargeysa