Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland oo Khudbad taariikhi ka jeediyey Shirweyne Caalami ah oo ka Socda Ustareeliya iyo Nuxurka Kulamo uu la Qaatay Madax kala Duwan + SAWIRRO

Perth (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Eng Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa maanta khudbad maamuus sare lagu soo dhaweeyey ka jeediyey Shirweyne caalami ah oo lagaga hadlayo kheyraadka qaaradda Afrika oo ka socda magaalada Perth ee dalka Ustareeliya, kaas oo ay ka soo qayb-galeen wufuud ka kala socotay qaaradda Afrika iyo caalamkaba.

Shirweynahan wasiirku khudbadda ka jeediyey oo la yidhaahdo Africa Down Under kana socda magaalada Galbeedka Ustareeliya  ku taala ee Perth, isla markaana lagaga hadlo Macdanta qaaradda Afrika, waxa ka soo qayb-galay ergooyin tiradooda lagu qiyaasay 2,500 oo ay ka mid yihiin 45 Wasiir oo ka socday waddamada Qaaradda Afrika, kuwaas oo ay hoggaaminayso Wasiirka Macdanta iyo Kheyraadka ee Dalka koonfur Afrika Mrs Susan Shabangu, waxaanu wasiirk macdanta iyo Tamarta Somaliland madashaas ka jeediyey khudbad dheer oo dhaxalgal isla markaana soo jiidatay ergooyinkii caalamka ee shirkaas ka qayb-galay.

Sida ay tibaaxeen wararka aanu ka helnay weftiga wasiirka, Shirka ka dib waxa uu Eng Xuseen Cabdil kulan la qaatay dhiggiisa dalka Koonfur Afrika oo ay ka wada-hadleen arrimo door ah, waxaana kulankaas laysku af-gartay in Somaliland ka qayb-gasho shirweyne Caalami ah oo la filayo inuu dabayaaqada sannadkan ku qabsoomo dalka Koonfur Afrika. Shirweynahan oo loo yaqaanno Mining Exploration Conference (INDABA) oo lagaga hadli doono Macdanta iyo Kheraadka, ayaa lagu marti-qaaday Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Eng Xuseen Cabdi Ducaale.

ust1Wasiir Xuseen Cabdi Ducaale waxa kale oo uu kulamo gaar-gaar ah la yeeshay shirkado laga leeyahay dalkan Australia oo ka hawl-gala dhinaca baadhitaanka kheyraadka dhulka, kuwaas oo danaynaya booqasho ku yimaaddaan Dalka.

Waxa dhanka kale wasiir Xuseen Cabdi Ducaale uu kulamo la qaatay madaxdii ka soo qayb gashay shirweynahan caalamiga ah ee loo yaqaano AfricaDownUnder, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka kheyradka ee dalka Angola, Manuel Francisco Queiroz iyo  wasiirka macdanta ee dalka Nayjeeriya Musa Mohammed Sada, wasiirka macdanta iyo khayraadka ee dalka Koongo  Pierre Obe.

Dhanka kale,  waxa wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland waraysi la yeeshay telefeeshin laga leeyahay dalka Ustareeliya ee SKY TV oo si toos ah u tabinayey shirweynahaas.

1. LIISTADA DADKA KHUDBADAHA KA JEEDINAYA SHIRKA

2. WASIIRKA MACDANTA IYO TAMARTA SOMALILAND

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net