Wasiirka Maaliyadda oo Waraysi Dheer kaga Hadlay Sicir-bararka, Sarrifka lacagaha iyo Cashuuro Xukuumaddu qaaddo

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka wasaaradda horumarinta Maaliyadda Somaliland Sacad Cali Shire, ayaa sheegay inaanay Shacabku ku qasbanayn qaadashada Bilaydhada amma Taarikada cusub ee Baabuurta, balse qofkii isagu doonayaa uu qaadan karo oo laga iibinayo. Taarikadaas, ayey Golaha Wakiilladu diideen inay ansixiyaan markii ay meel-marinayeen miisaaniyad-sannadeedkii 2018-kii, balse ay Wasaaradda Gaadiidku dadka ka iibiso.

Wasiirka horumarinta Maaliyadda oo waraysi gaar ah Siiyey Weriye Maxamuud-Jawhar oo ka tirsan Telefeshinka Star, ayaa ka jawaabay dhaqdhaqaaq la’aanta dhinaca dhaqaale ee ay Bulshadu aadka uga cabanayso tan iyo markii uu xilka la wareegay Madaxweyne Muuse Biixi.

Waxa kale oo uu Waraysiga kaga jawaabay su’aalo laga weydiiyey Sicir-bararka, hoos-u-dhaca sarrifka doollarka ee aan wax kale hoos u dhicin intuu doollarku jabay, halka marka uu qaaliyoobo wax waliba qaaliyoobaan, isticmaal la’aanta Lacagta Somaliland ee ay Ganacsatada, Dugsiyada gaarka ah, Maddarasadaha iyo ganacsiyada gaarka ahiba wax ku baayacayaan, ku qaadayaan fiiga, waxna ku iibinayaan iyo sababaha ay dowladdu wax uga qaban wayday.

Waraysiga oo dhammeystiran oo Wasiirku kaga hadlayo Arrimo kala duwan, ka daawo muuqaalka hoose

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net