Wasiirka Maaliyadda oo soo Xidhay Shir lagu qiimeeyey, abaalmarinno lagu guddoonsiiyey Waaxaha Dakhli-ururinta Wasaaradda

Advertisement

 

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa maanta soo xidhay kulan ku saabsan Qiimeynta Wax-soo-saarka Waaxaha Dakhliga Cashuuraha iyo Kastamada, laguna abaal-marinayey Shaqaalaha ka hawl-gala ee kartida muujiyey.

Kulanka oo laba Maalmood u socday hawl wadeenadda wasaaradda Maaliyadda gaar ahaan Waaxaha Dakhliga ee Kastamadda iyo Cashuuraha Berriga iyo Madaxda Sare ee Wasaaradaasi, ayaa lagu falanqeeyay habsami u socodka hawsha dakhli soo saar.

Advertisement

Kulankan waxaa goob joog ka ahaa Wasiir ku xigeenka Maaliyadda, Agaasimaha Guud ee Wasaaradaasi, Xisaabiyaha guud ee qaranka iyo Agaasime waaxeedyada wasaaradda horumarinta Maaliyadda.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Mudane Muuse Ibraahin Yuusuf iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradaasi Maxamed Cabdi Gurxan oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Halbeega lagu qiimayn doono Shaqaalaha Waaxyaha Dekhliga ee Kastamyadda iyo Cashuuraha berigu u ku qotomo qorshaha Wasaarada u degsan, waxayna ku baraarujiyeen hawl-wadeenadii kulankaasi ku sugnaa inay dardar geliyaan hawlaha dakhli soo saarka ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL.

Geesta Kale Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo shahaadooyinka iyo abaal marinaha gudoonsiiyey shaqaalahaasi ayaa sheegay in Waaxaha Kastamyadda iyo Cashuuraha berigu ay ka mid yihiin goobaha soo saara dekhliga dalku ku socdo waxaanu xusay inay lama huraan tahay sidii loo adeegsan lahaa Tiknoolajiyadda Casriga ah si ay u sahlanaato in Cashuuruhu u soo xeroodaan.

Wasiirka ayaa gunaanadkii munaasibadda waxa uu abaal-marinno iyo shahaadooyin guddoonsiiyey 42 ka mid ah hawl-wadeennada Waaxaha dakhli-ururinta ee wasaaradda Maaliyadda, kuwaas oo lagu xushay karti iyo dedaal ay u muujiyeen.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Advertisement