Wasiirka Maaliyadda oo Kullan la Yeelatay Ganacsato Turki ah

Hargeysa(SLpost)- Wasiirka wasaaradda maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa kullan la yeelaaty wafti ganacsato oo ah ka socday dalka turkiga oo sheegay in ay doonayaan in ay ganacsi ka bilaabaan Somaliland, islamarkaana  wasiirka kala hadlay sidii ganacsatada Turkigu uga qaybqaadan lahaayeen maalgashiga Somaliland.

 

Marwo Samsam oo kullankaas ka warbixisay ayaa waxa ay tidhi “Waxa saaka halkan nagu soo booqday niman ganacsato ah oo Turki ah oo Somaliland doonayey in ay maalgashi ku sameeyeen, waxyaabo badanna doonayey in ay wax ka qabtaan oo waraaqo ay igaga tageen sheegayey waxyaabo ay dawladdooda u qabtaan. Waa wax aynnu eegi karno innanu waynnu u baahanay ganacsato ajaanib ah oo inoo yimaad oo la tartama kuweena, is dhexgalka ganacsigu dalka wuu dhisaaye waxba innama yeelayo . Markaa waxaa aannu ku nidhi waannu idin soo dhawaynaynaa waxyaabaha aad wadaan haddii ay yihiin wax loo baahan yahay oo dadkayagu ay idinka baranayaan oo aannay qaban karayn ama aanaanu awood u lahayn” ayey tidhi Samsam Cabdi Aadan