Wasiirka Maaliyadda oo ka hadlay tuhunno xilliga uu Odoroska Miisaaniyadda gudbiyey ku xidhiidhay Loolanka Hoggaanka Xisbiga Kulmiye

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa ka hadlay warar maalmihii u dambeeyey laysla dhexmrayey oo sheegaya in sababta uu xilligeeda soo horreysiiyey gudbinta odoros-miisaaniyeedka Sannadka 2014 ay tahay sidii uu isaga casili lahaa Xilka uu hayo, si uu ugu tartamo jaga hoggaanka Xisbiga Kulmiye

Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, waxa uu sheegay inaanay jirin siyaasad u qorsoon oo ka dambeysa xilliga uu gudbiyey miisaaniyadda Qaranka, balse uu gudanayo hawlaha kaga aaddan waajibaad dastuuri ah oo jidaynaya in Odorosa Miisaaniyad-sannadeed Golaha Wakiillada loo gudbiyo sannad kasta 29-ka Bisha Oktoober, halka uu isaguna golaha uga gudbiyey 29-kii November.

SamaaleWasiirka Maaliyada oo wakhti uu maanta xarunta golaha Wakiillada kulan kula lahaa Guddi-hoosaadka Dhaqaalaha ee golahaas, telefishanka madaxa-bannaan ee HCTV wax ka weydiiyey Wararka sheegaya in sababta uu wakhtigeeda uga soo horaysiiyey Odoroska miisaaniyadda 2014 ay tahay sidii uu isaga casili lahaa xilka uu hayo ee wasaaradda Maaliyadda uguna tartamo hoggaanka xisbiga Kulmiye, waxa uu ku jawaabay,  “Horta waxa weeye Xil Qaran ayaan gudanayey markaan Miisaaniyada horgeeyey Golaha Wakiilada, dastuurka Qarankeenu waxa uu leeyahay Odoroska Miisaaniyada ee sannadka soo socda, waa in Golaha la horgeeyaa 29 October. aniguna waxaan keenay 29 September, markaa waxaan odhan karaa qodabkaas Distuuriga ah 22-kaas sanno ee Somaliland jirtay waa markii u horaysay ee uu fulay. Markaa sidaas awgeed Xilka Qaran ee I saaran ayaan gudanayey. Wax Siyaasad ah oo aan ka leeyahay ama ka danbaysaa ma jirto, shalay-na Golaha Wakiilada ayaan Guddoomiye ku-xigeen ka ahaa oo wixii aan ka qabtay Golaha waa la ogaa,” ayuu yidhi Wasiirka Maaliyada Somaliland Md. Cabdicasiis Maxamed Samaal.

Wasiirka Maaliyadu waxa kale oo uu ka hadlay waxyaabaha lagaga hadlay kulanka uu shalay la qaatay Guddi-hoosaadka dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada, waxaanu yidhi, “Waxaanu ka wada-hadlaynay Miisaaniyada Qaranka ee 2014-ka, iyaguna Odoroska Miisaaniyadda way hayaan oo Axadii ayaan u akhrinay Mudanayaasha Golaha Wakiilada. Markaa Su’aalo ayay iga waydiinayeen runtiina aad ayay nooga mahad-celiyeen Xilliga aanu keenay iyo korodhka Miisaaniyada.”

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net