Wasiirka Horumarinta Jidadka iyo Wefti uu hoggaaminayo oo Kormeeray Waddada Balligubadle iyo Hargeysa

 

Hargeysa (SLpost)- Wafti uu hogaaminaayo Waasiirka Wasaaradda Gaadiidk iyo Horumarinta Jidadka oo ay xubno ka yihiin Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqafta, Maareeyaha Wakaaladda Harumarinta Wadooyinka, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Guddiga gacanta ku haysa dhismaha wadadaasi ayaa kor-meeray deegaamada ay ka socdaan shaqada dhismaha wadadaasi.

Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Md. Cabdillaahi Abokor Cismaan oo goobta hadal ka jeediyey, ayaa ugu horayn Ilaahay (SWT) uga mahadceliyey waxkasta oo qabsoomay, isagoo marka xigana u mahadnaqay Guddida gacanta ku haysa dhismaha waddada Hargeysa ilaa Balli-gubadle oo uu xusay inay dedaal xoogan muujiyeen.

“Xilka iyo waajibaadka waddadan waxa iska leh dowladda, waxa aad nagu kordhisaan waa taageero, waajibaadkayagii ayaad qayb ka qaadanaysaan, markaa, markaa waxa aan jecelahay in aan mar labaad iyo mar saddexaadba idiin mahadceliyo, ninka aan ummaddiisa u mahadnaqina Ilaahay uma mahadnaqo. Marka labaadna waxa aan halkan mahadnaq aan la soo koobi karin uga jeedinayaa shaqaale-weynaha Hay’adda Horumarinta Waddooyinka, haddii ay noqoto dirawaliinta, maamulka iyo farsamo-yaqaannada injineerada ah ee halkan jooga oo aan isleeyahay la’aantood maanta farxaddaas aan isugu nimid suurtogal may noqoteen, iyagana ayaana farxaddaas inoo suurtogeliyey, waxaanan Ilaahay ka rajaynaynaa inuu miisaanka xasannaadka idiinku daro, anagana waad na xil-furateen ee in aad maalinsan abaalkayaga heshaan, laakiin fulinta rasmiga ah waxa leh qolooyinka farsamo-yaqaannada oo ay ugu horeeyaan injineerradu oo ay ku xigeen injineerrada goobta (site engineers) oo ay ku xigeen dirawaliintu oo ay ku xigaan hawl-fuliyeyaashu, dhammaantoodna waxay innaga mudan yihiin in aynu u mahadcelino, anaguna mahaddaas ma nihin ee waxa iska leh shaqaalayahaga, waxaanan jecelahay in shahaado-sharaftii la na siiyey aannu u hibayno shaqaalayaga Hay’adda Horumarinta Waddooyinka,” ayuu yidhi Wasiirku.

Waxaannu intaas ku daray; “Waxkasta oo la bilaabo way dhammaadaan oo aniga maanta hammi labaad ayaa i galay oo ah waxaynu samaynay aasaaskii hoose ee waddada (basement), waxaanna imminka inoo hadhay qaybtii waddada laamida ahayd, markaa hammigayagu waxa uu noqonayaa bal in aynu taasna ka fikirno, qorshahana aynu gelino oo aannu hammigeennu noqon uun in aynu dhisno waddo jid-cadde ah, laakiin hammigeennu noqdo sidii ay waddadaasi u noqon lahayd waddo rasmi ah oo dhammaystiran. Waddadu faa’iidooyin badan ayey leedahay oo mid dhaqaale ayey leedahay, mid degaanna way leedahay oo maanta waddada halkaas laga dhiso waxay ilaalinaysaa biyaha soconayey oo waxay ilaalinaysaa degaanka, waxayna dib u noolaynaysaa dhulkii dhintay, sababtoo ah waddadan la marayo waxay dhulka ka kaxaysaa biyaha oo marka toban waddo la iska dhinac dhiso biyahaasi way tagaan, laakiin waddadani biyaha ka kaxayn mayso ee way qabanaysaa. Waxa kaloo ay sare u qaadaysaa noloshii bani’aadamka.”

Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, ayaa sidoo kale sheegay in la qorshaynayo sidii looga wada shaqayn lahaa in waddada Hargeysa ilaa Balli-gubadle ay noqoto waddo casri ah oo laga dhigo laami roog ah, isagoo Guddida kula dardaarmay inay maanka ku hayaan in hawshii ugu muhiimsanayd ay hadda u bilaabantay, iskuna diyaariyaan dhismaha qaybta laamida ah ee waddadan oo uu xusay in dhaqaalaha ugu badan ku baxayo.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed oo hadal ka jeediyey goobta ay ka socoto dhismaha waddada Hargeysa ilaa Balli-gubadle, ayaa sheegay inuu si xooggan ugu mahadnaqayo masuuliyiinta Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka iyo cidkasta oo gacan ka gaysatay dhismaha waddada Balli-gubadle, isagoo sidoo kale si gaar ah ugu mahadnaqay Guddida gacanta ku haysa dhismaha waddadaas iyo maamulka Gobolka Hawd.

“Walaalayaal, waddooyinku waxay ka mid yihiin nimcooyinka uu Ilaahay bixiyo oo jidka la bixiyo waa wax khayr badan, qofka ka shaqeeyaana ajar iyo xasanaad ayuu ka helayaa oo waxay u noqonaysaa sadaqo jaari ah, markaa waxa aan odhan lahaa Wasiirka Horumarinta Waddooyinka, Maareeyihiisa iyo Agaasimihiisaba waxa aad mar walba niyeysataan in shaqada aad haysaan, haddii ay tahay mid bariga fog ah oo waddada Ceerigaabo ah, waddooyinka kale ee aad dayac-tiraysaan ee Gobolka Sool iyo gobolada kale ee kala duwan haddii ay tahay dhammaantoodba ajar inuu idiinku jiro horta dareensanaada, naftiina in aad u soo shaqaynaysaana dareensanaada, waxa kaloo aad dareensanaantaan in aad fulinaysaan dhammaan hawlihii ku qornaa buuggii manafeestada xisbiga KULMIYE oo ay waddadan Balli-gubadle ka mid tahay, waddooyinka oo dhanna ka mid yihiin, waxa kaloo ay ka mid tahay waxyaabaha ku jira wejigii labaad ee qorshayaasha qaranka ee uu qorsheeyey Wasiir Qabyo-tire oo markaa ahaa Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, runtiina waxa aynu ka hadlayno ee la dhammaystirayo waa jid-caddahan oo jid-caddaha ayaa wax walba ka muhiimsan oo waddadan Balli-gubadle oo ilaa toddoba sanno socotay, waxay ka mid tahay dhammaanba siyaasaddaas la fulinayey ee ahayd in la horumariyo jidadka Somaliland,” ayuu yidhi Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Md. Cumar Cabdillaahi Aadan (Cumar-sayid), ayaa sheegay in waddada Hargeysa ilaa Balli-gubadle ay tahay waddo isku xidhaysa laba gobol, sidaa darteedna ay muhiimad weyn u leedahay dalka Somaliland, waxaannu yidhi; “Dhulkani waa dhul hawd ah, waana dhul runtii marka ay gaadiidku marayaan ay dhibaato badan kala kulmi jireen, maantana waynu arkaynaa intaas aynu samaynay sida ay dadkii dhibaatada uga dul-qaaday, lixdaas km ee dhiman marka la isku xidhana, waxa aynu arki doonaa isbeddel weyn oo dhaqaale iyo mid horumarineed, waayo horumarku waddo kama horeeyo oo marka waddo la helo ayuu horumarkuna yimaadaa.”

Waxa kaloo uu Agaasimuhu sheegay in xiligan xoogga la saarayo dhismayaasha kaabayaasha dhaqaalaha, waxaannu yidhi; “Berigii hore waxyaabo badan ayeynu qaran ahaan xoogga saari jirnay oo dhismayaasha MCH-yada iyo wixii la midka ah, laakiin imminka waxa aynu dib ka ogaanay in aannu jirin waddada horumar ka horeeyaaba oo meeshu marka ay waddo hesho, noloshii kale oo dhan ayaa iskaabaysa, Insha Allaah iyadoo laami ahna waynu arki doonaa dhawaan, Guddida waddada Balli-gubadle aad iyo aad ayaan ugu mahadnaqayaa oo naf-hurnimo weyn ayey sameeyeen, isku-tashi weyn ayey sameeyeen. Anaga runtii waajibaadkayaga ayuun bay ka mid tahay oo waddooyin badan oo waddanka ah ayaannu wax ku darsanaa.”

Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka Md. Axmed Yuusuf Maxamed oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay farxad u tahay in waddada isku xidhay Hargeysa iyo Balli-gudbadle ay hadda gabogabo ku dhawdahay, una hadhsan tahay 6km oo qudha, isagoo xusay in hore loogu ballamay sidii loo dhammaystiri lahaa waddadaas oo uu xusay inay hal-bawle u tahay qaranka Somaliland.

“Waddado maanta meel fiican ayey maraysaa, intaasina way dhammaan lahayd ee roobkii iyo raxmaadkii Ilaahay ayaa ina habsaamiyey oo waxa kaloo aynu ka faa’iidaysanay xiligii bishii barakaysnayd ee ramadaanta,” ayuu yidhi Maareeyuhu.