Wasiirka Horumarinta Caafimaadka oo Xadhigga ka jaray Mashaariic laga hirgeliyey Cusbitaalka Guud ee Hargeysa

Hargeysa (SLpost)_ Wasiirka Horumarinta Caafimaadka Somaliland Cumar Cali Cabdillaahi, ayaa maanta Xadhigga ka jaray qaybo Cusub oo lagu soo kordhiyey Cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa.

Wasiirka Horumarinta Caafimaadka oo ay weheliyaan Wasiirrada Waxbarashada, Diinta iyo Awqaafta, Wasiir Ku-xigeennada Caafimaadka, Arrimaha Gudaha, Maaliyadda, Badhasaabka gobolka Maroodi-jeex iyo Agaasimaha guud ee Caafimaadka iyo Marti-sharaf kale, waxa ay Kormeer ku mareen qaybaha kala duwan ee Cusbitaalka.

HOOS KAGA BOGO WARKAN OO MAQAL IYO MUUQAAL AH

Kormeerka kaddib waxa ay xadhigga ka jareen Mishiinnada Ogsajiinta ama Neefta dhaliya ee Cusbitaalka, Qaybta Doobbiga oo loogu talogalay in lagu nadiifiyo Dharka iyo Agabka Bukaanka Cusbitaalka. Intaas ka dibna waxay u gudbeen Qaybta Maskaxda oo dib u habayn lagu sameeyey.

Agaasimaha Cusbitaalka guud ee Hargeysa Dr. Axmed Cumar Askar, ayaa ka warbixiyey muhiimadda ay leeyihiin adeegyada lagu soo kordhiyey cusbitaalka, waxaanu sheegay in Mishiinnada Ogsajiinta dhaliyaa si wanaagsan u shaqaynayaan, isla markaana illaa Boqol Haamood oo kuwa Neefta loo adeegsado ah ay soo saaraan amma dhaliyaan, taas oo muhiimad u leh badbaadinta Dadka naqasku qabto, wakhtigan lagu jiro xaaladda xanuunka Covid-19 oo ku fidaya dalka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net