Wasiirka Hawlaha Guud ee Somaliland oo Raalli-gelin siiyey Hass Petroleum iyo Baaq uu u jeediyey Shirkadda

 

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Somaliland Cabdirashiid Ducaale Qamdi, ayaa shirkadda Hass Petroleum ka raalli-geliyey eedayn uu shalay ugu jeediyey inay shirkaddu maal-geliso kooxo malleeshiyo-beeleed ah oo dhaq-dhaqaaqyo amni-darro ka wadda deegaanno ka tirsan gobolka Buuhoodle.

Wasiirka Hawlaha Guud oo ay bar-bar fadhiyaan Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax iyo Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Suleymaan Yuusuf Cali Koore, ayaa xafiiskiisa kula hadlay saxaafadda madaxa-bannaan ee dalka, waxaanu sheegay inuu shirkadda ka raalli-gelinayo eedayntaas uu u jeediyey.

Warkn oo faahfaahsan ka daawo Muuqaalka Hoose