Wasiirka Ganacsiga Oo Sixirbararka Dalka Ka Jira Ku Tilmaamay Mid Ubaahan In Si Qaran Loo Waajaho

Hargeysa(SLpost)-Wasiirka ganacsiga Muuse Qaasim ayaa daboolka ka qaaday in sixirbararka dalku uu gaadhay heer aanay wasaarada ganacsigu xakamayn karayn, waxaanu sheegay in si qaran loo waajahaayo dhibaatada sixir bararka ee dalka soo waajahday.

Waxa uu wasiirku arimahan kaga haday kulan maanta uu la qaatay gudida dabagalka iyo ilaalinta hantida qaranka, waxaana isaga oo warbaahinta la hadaayay uu yidhi “Dareenkaasi waa uu jiraa waxaana loo waajahayaa si heer qaran ah, way dhaaftay inay wasaaradu wax ka qabto, madaxweynuuna gudi ayuu u saaray, gudidaas ayaanu waxii aanu war haynay iyo sida looga hortagi karaayaba aanu u gudbinay si degdeg ah ayaanay talabooyin cadcad u qaadi doonaan.”