Wasiirka Ganacsiga Oo Ka Hadlay Guddi Farsamo Oo Itoobiya Kala Xaajoon Doona Arrimaha Ganacsiga Oo Safar Shaqo UTagay Addis Ababa

Hargeysa (SLpoat) Wasiirka wasaaradda Ganacsiga iyo maalgashiga Mudane, Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr) ayaa madaarka caasimadda Hargeysa ku sagootiyey wefti Itoobiyan ah oomaalmihii ugu dambeeyey ku sugnaa Somaliland.

Wasiirka ayaa kulan dardaaran iyo sii sagootin ah kula qaatay guddi farsamo oo ka koobnaa khubaro, aqoonyahanno, maamulka sare ee dekkedda Berbera iyo agaasimayaal guud ooXukuumadda Somaliland u matalayey wadahadaladii arrimaha Ganacsiga, Transit-ka, arrimaha nabadgelyada ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Federaalka Ethiopia.Wasiirku wuxuu weftiga kula sii dardaarmay inay wax walba ka hor mariyaan danaha iyo maslaxadaha uu leeyahay qaranka Somaliland.

Wasiirka ganacsiga iyo maalgashiga oo ka hadlay ka hor intii aanay masuuliyiintaasi ka dhoofin garoonka Cigaal Airport ayaa ka war bixiyey safarka iyo ujeedadiisaWeftiga halkan jooga eeaqoonyanadda iyo masuuliyiinta kale ee qaranka waxay diyaar u yihiin inay u duulaan dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya halkaas oo ay wada hadalo kula gali doonaan xukuumaddaItoobiya, wada hadaladaasi waxay quseeyaan arrimaha Transit-ka, hawlaha kale ee nabad galyo, kuwa is-kaashi iyo kuwa Dekadda ee Somaliland doonayso inay kala hadasho dawladdaItoobiya waana wadahadalo hore u socday

Wasiirka ganacsiga oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas ku daray“29  February  shir weyna ayaa waxa uu ka dhacay magaaladda Berbera, shirkaa waxaa lagaga hadlayey arrimaha ganacsiga,iskaashiga iyo arrimaha aynu soo sheegnay. Guud ahaan waa koox u darban diyaarna u ah inay danaha iyo maslaxadaha qaranka  Somaliland wax walba ka horumariyaan ayna difaacaanmeesha danta qaranka somaliland ku jirto waxaanan ku kal soonahay boqolkiiba boqol ragaa aqoonyahanada ah iyo masuuliyiinta kale ee qaranka ee halkan joogaa inay yihiin kuwii maantadalku u baahan, markaa mudanayaal waxaan idinkula dardaarmayaa inaad danta qarankeena wax walba ka hormarisaan, bi’idni lahaa idinka oo guul sidana aanu dalka idin ku soodhaweyn doono