Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka oo Kormeeray Dhismaha Biriijka Isku-xidha Borama iyo Jaamacadda Camuud (SAWIRRO)

 

Hargaysa (SLpost)- Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdillaahi Abokor Cismaan oo ay weheliyaan Maayarka Boorama iyo Maamulka sare ee Jaamacadda Camuud, ayaa Khamiistii shalay kormeer ku maray dhismaha buundada Dixda Qoor-gaabeed ee isku xidha magaalada Boorama iyo Jaamacadda Cammuud, kaasoo dhismihiisu gebo-gebo ku dhow yahay.

Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka ayaa Ujeeddada kormeerkiisu ahayd sidii uu u soo qiimayn lahaa dhismaha biriijkan oo lacagta ku baxaysa uu bixiyey Madaxweynaha Somaliland, isla markaana la bilaabay bishii December ee sannadkii 2018-kii.

Waxa halkaas ka hadlay Injineerka guud ee gacanta ku haya dhismaha biriijkan weyn oo sheegay in qorshuhu ahaa in biriijka lagu dhammaystiro muddo 22 bilood ah ama laba sanno, balse ay hadda ku guulaysteen inay intiisa ugu badan ku dhammeeyaan muddo hal sanno ah.

“Dhismaha Biriijkan waxa aannu bilawnay bishii December ee sannadkii 2018-kii, maantana taariikhdu waxay sheegaysaa December 2019, waana hal sanno oo dhammaystiran, waxaanna biriijkan loogu talogalay inuu socdo muddo 22 bilood ah, imminkana waxa uu ku dhammaaday muddo sannad ah, iyadoo aannu heerka tayada dhismaha biriijkan aad u ilaalinay, wuxuunna qaadi karaa culayd dhan ilaa 90 tan, wuxuunna jiri karaa ilaa muddo ah ku dhawaad 70 sanno.” Sidaa waxa yidhi Injineerka guud ee gacanta ku haya dhismaha biriijkan.

Guddoomiyaha Jaamacadda Cammuud Prof. Saleebaan Axmed Guuleed oo halkaas ka hadlay, ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Somaliland iyo Xukuumadda dhismaha lagu guulaystay ee biriijka isku xidhaya Jaamacadda iyo qaybaha kale ee magaalada Boorama, waxaannu yidhi; “Sacaadatul Wasiir, xagii Jaamacadda wuu dhan yahay biriijku oo waa kaas shabaggii u dambeeyey ee ilaaliyaha (protection) u ahaa marka ay ardayda iyo dadku marayaan biriijka, Ilaahay ayaa wax ilaaliyee, markaa xaal-xaal yar oo qurxin ah iyo biyo-mareenada yaryar ee dhinacyada biriijka, arrimahaas yaryarna iyadoo la dulmarayo ayaa laga shaqaynayaa Insha Allaah, markaa imminka waxa aannu sugaynaa uun furitaankiisii rasmiga ahaa, waxaannu ka mid yahay hantidaas waaweyn ee inoo soo korodhay ee aannu Gobolku hore u lahayn ama aan maalgelinteeda loogu iman Madaxtooyada Somaliland, farsamadiisa iyo maamulkeedana ay wada lahaayeen Hay’adda Waddooyinka, Wasaaradda Gaadiidka iyo Jaamacadda Cammuud.”

Prof. Diiriye oo ka mid ah masuuliyiinta ugu saraysa Jaamacadda Cammuud oo isna goobta ka hadlay, ayaa yidhi; “Waxa maanta farxad noo ah in hawshii aannu bilawnay ee ah dhismaha biriijka oo gabogabo noqotay inteedii badnayd, waxaanan si gaar ah ugu mahadnaqayaa ninkasta iyo cid kasta oo ka qaybqaadatay dhismaha biriijka oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi.”

Waxa kaloo goobta ka hadlay Guddoomiyaha Hay’adda Horumarinta Waddooyinka Somaliland ee Gobolka Awdal Mr. Cabdiraxmaan Muxumed Rooble oo u mahadceliyey Madaxweynaha Somaliland iyo Wasaaradda Gaadiidka oo uu xusay inay door weyn ka qaateen dhismaha biriijkan muhiimka ah ee isku xidhaya Jaamacadda Cammuud iyo magaalada Boorama, waxaannu yidhi; “Waxa aan halkan uga mahadcelinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo ballankii uu u qaaday Gobolka Awdal iyo magaalada Boorama si sharaf leh u fuliyey, waana mashruucii ugu weynaa ee uu ka fuliyo Gobolka Awdal, iyadoo uu biriijkaasina maanta gabogabo naga yahay, waxa sidoo kale ammaan mudan Jaamacadda Cammuud oo iyaguna runtii u tafo-xaytay in ay waqti geliyaan, maaliyaddii uu Madaxweynuhu ku deeqayna ay si fiican u maamulaan.

Maayirka magaalada Boorama Md. Saleebaan Xasan Xaddi oo isna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay guul weyn tahay in la dhammaystiray biriijka ay isticmaali doonaan Jaamacadda Cammuud iyo bulshada kale ee reer Boorama, waxaannu yidhi; “Waxa uu Ilaahay (SWT) inoo suurtogeliyey maanta in uu biriijkii dhammaaday, isagoo aynu ognahay lacagta ku baxday, waxaanan uga mahadnaqayaa Jaamacadda Cammuud oo gacanta ku haysana sida ay runtii u tashiileen, iyadoo markii la bilaabayey biriijkan aannu is lahayn; ‘kama bixi karayno ee maynu iska dayno.’ Haddana waxa aannu isku qancinaynay Madaxweynuhu haddii uu intaasba u badheedhay horta inta uu inoo dhiibay (dhaqaalaha uu bixiyey) si fiican ha loo farsameeyo, intaasna waannu uga mahadnaqaynaa Jaamacadda Cammuud.”

Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Md. Cabdillaahi Abokor Cismaan oo ugu dambayntii halkaas hadal ka jeediyey, ayaa sheegay in si fiican loogu guulaystay dhismaha biriijka isku xidhaya Jaamacadda Cammuud iyo Boorama, kaasoo uu xusay in dhismihiisu uu hadda marayo xaal-xaalkii ugu dambeeyey.

“Kolayba aniga waa ii farxad maanta in aan imaaddo mashruucii ugu ballaadhnaa Gobolka Awdal oo maanta gabogabo ku dhaw, waxaanan rajaynayaa inta dhiman waa in u taala Dowladda Hoose, Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, waana waddo hal kilomir ah oo ah jidkii sahlayey isku socodka (access road) oo ah inta ka baxaysa biriijka iyo inta ku soo xidhmaysa, runtiina intaasna sida ay Dowladdu u dammaanad-qaaday ayaa loo fulinayaa oo Jaamacadda Cammuud waa laga dammaanad qaadayaa, waana la dhammaystirayaa Insha Allaah, wixii farsamo ahna waxa aan jecelahay in aannu anagu gaar isku noqon doono, haddii uu Ilaahay yidhaahdo.”

Waxa kaloo uu Wasiir Cabdillaahi Abokor Cismaan sheegay in la bilaabi doono waddada dheer ee isku xidhaysa magaalooyinka Boorama iyo Lawya-caddo, waxaannu yidhi; “Gobollada Awdal iyo Salal-na waxa iyadana nasiib labaad u ah in waddadii ugu ballaadhnayd ee ay Somaliland yeelato in Insha Allaah bisha February 2020-ga ayaa qorshuhu yahay in laga soo bilaabo dhinaca Lawya-caddo naqshadaynteedii (design), waxaanna dhismaheeda si rasmi ah loo bilaabi doonaa oo aannu rajaynaynaa bisha September 2020- Insha Allaah, markaa anagu Xukuumad ahaan wixii wanaagsan ee aanu ummadda u qabanay ku faani mayno, laakiin waxa aannu leenahay Ilaahay ayaa na garansiiyey, imminkana waxa aannu jecelnahay in wixii kale ee xigana in loo wada joogo.”