Wasiirka Gaadiidka Iyo Horumarinta Jidadka oo Kormeer Ku Tegay Waddada Isku Xidha Hargeysa, Salaxlay iyo Ina-Guuxaa

 

Hargaysa (SLpost)- Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdillaahi Abokor Cismaan, ayaa kormeer ku tegay waddada isku xidhaysa Hargeysa, Salaxlay ilaa degaanka Ina-Guuxaa, taasoo muhiim u ah horumarka dalka iyo degaannada Koonfurta Somaliland.

Eng. Cabdirisaaq Wiiwaa iyo Eng. Dhego-cadde oo ka mid ah masuuliyiinta gacanta ku haya dhismaha waddada isku xidhaysa Hargeysa ilaa degaanka Ina-guuxaa oo halkaas hadallo ka jeediyey, ayaa ka warbixiyey halka ay waddadu marayso, iyagoo xusay inay wax lagu farxo tahay in waddadu ay qiyaas dhan hal kilomitir (1km) u jirto Ina-guuxaa, waxayna tilmaameen in waddadu tahay mid dheer oo istaraatiiji ah, isla markaana ay ku rajo weyn yihiin in halka kilomitir ee ka hadhsan Ina-guuxaa ay ku dhammaystiri doonaa ilaa labada maalmood ee Khamiista iyo Jimcaha, haddii Ilaahay yidhaahdo.

Waxa kaloo goobta hadallo ka jeediyey odayaal, madax-dhaqameed iyo ganacsato ka soo jeeda degaannada ay waddadu marayso, gaar ahaan degaanka Salaxlay, ayaa u mahadnaqay Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka iyo guud ahaanba dowladda Somaliland oo ay xuseen inay degaal badan geliyeen dhismaha waddadan, halka sidoo kale ay u mahadnaqeen cidkasta oo ka qaybqaadatay dhismaha waddadan dheer ee loogu talogalay inay isku xidho Caasimadda Hargeysa, Salaxlay iyo degaanka Ina-guuxaa, iyagoo tilmaamay in dhismaha hadda socda uu yahay wejigii saddexaad oo laga soo bilaabay degaanka Qool-cadday, lana gaadhsiinayo degaanka Ina-guuxaa.

Qaar ka mid ah dadka goobta ka hadlay, ayaa sidoo kale halkaas kaga dhawaaqay lacag qaadhaan ah oo ay ugu yaboobeen in lagu sii wado dhismaha waddada, halka sidoo kale ay odayaasha iyo bulshada degaanka Salaxlay ay Wasiirka Gaadiidka ku abaalmariyeen hal dhashay oo lammaan, waxayna iftiimiyeen in Wasiirku uu hashaas dhashay ee ilmaha yar wadata uu ku mutaystay dedaalka uu geliyey dhismaha waddada muhiimka ah ee isku xidhay Hargeysa ilaa Ina-guuxaa.

Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex Md. Jaamac Xaaji Axmed, Guddoomiyaha Degmada Salaxlay Md. Ismaaciil Yuusuf Shiine oo iyaguna goobtaas hadallo ka jeediyey, waxay sheegeen in waddada la dhisayo ay tahay mid taariikhi ah oo laga yaqaanno degaannada Somaliland iyo guud ahaanba Geeska Afrika, waxayna sheegeen in tacabka iyo horumarka muuqda ee lagu dhisayo waddadu ay qayb ka yihiin horumarka muuqda ee ay ku tallaabsanayso Somaliland, iyagoo ammaan iyo mahadnaq xooggan u jeediyey shaqaalaha iyo injineerada gacanta ku haya dhismaha waddada.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland oo ka mid ah masuuliyiinta dowladda ee kormeerka ku tegay waddada, ayaa sheegay in waxkasta oo loo dhaqaaqo maalin uun lagu dhammaystiri doono, dhismaha iyo horumarkuna yahay in marka hore la qaado tallaabo wax lagu bilaabayo, kadibna lagu wada dedaalo sidii waxqabadka la muujiyey loo dhammaystiri lahaa, waxaannu ammaanay cidkasta oo gacan ka gaysatay dhismaha waddada isku xidhaysa Hargeysa ilaa degaanka Ina-guuxa.

Waxa kaloo halkaas ka hadlay Wasiirka Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Md. Axmed Maxamed Diiriye (Axmed Toorno) oo sheegay in waddadan dhismaheedu muhiim u yahay horumarka degaannada ay marayso iyo guud ahaanba dalka Somaliland, isagoo iftiimiyey in shaqaalaha ku hawlan dhismaha waddo ay saacado dheeraad ah u shaqeeyaan qarankooda, waxaannu yidhi; “Waxa aan doonayaa in aan halkan ka sheego in taasi muujinayso in shaqaalaha dowladdu ay shaqeeyaan, ha la dhaliilo, laakiin dowladdu shaqada way wadaysaa iyadoo sidaas loo wadayo.”

Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Md. Cabdillaahi Cismaan Abokor oo ugu dambayntii halkaas hadal ka jeediyey, ayaa mahadnaq weyn u jeediyey Guddida ka shaqaynaysa dhismaha waddada ay kormeerka ku tegeen iyo guud ahaanba shaqaalaha iyo hawlwadeennada ka socda Wasaaradooda ee waqtigooda u huray sidii loo dhisi lahaa jidkaas oo uu xusay inuu muhiim u yahay horumarka iyo isku-socodka dalka Somaliland.

“Dowladdu wax ay gaar u leedahay ma jirto oo dowladdu waxay ku shaqaysaa waa lacagta idinka la idinka qaado ee jeebadihiina ka soo baxda. Sigaarka aad cabbayso, koobka shaaha iyo cuntada aad cunayso cashuur ayaa saaran, waxyaabaha aynu inta badan dhaxalnay waxa ka mid ah in nidaamyadii dowladnimo ee ilaa waqtigii Ingiriiska, ilaa xiligii Maxamed Siyaad Barre waxa aynu u haysanaa dowladnimadu inay tahay wax dadka lagu boobo, runtiina way ahayd, laakiin waxaynu u baahannahay in aynu sawirka noocaas ah aynu beddelno oo qofku uu garto in waxan uu bixinayaa ay ugu dambayn si guud ugu soo noqonayso,” ayuu yidhi Wasiirku

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net