Wasiirka Duulista oo Kaalinta 1-aad u galay Xukuumadda Siilaanyo Heerka Boobka & Lunsiga Hantida Muwaaddiniinta

Maxaad ka ogtahay Xaddiga Lacageed ee Bishii ku dhacda jeebka Wasiirka Duulista Lacag Dhan 800,000-160,000 oo meel uu u soo maray aanay jirin.

Hilaacmedia oo u kuurgashay Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi. Wasiirkan oo ah Ragga safka hore kaga jira Boobka hantida ummadda reer Somaliland oo loo hayo caddaymo, Xeer aan meel uu soo maray jirin, ayaa sannad ka hor lagu soo rogay in qof walba oo ka dhoofaya Madaar ka mid ah Madaarrada Diyaaradaha ee dalka Somaliland lagu kordhiyey 10$ lacagtii cashuurta ahayd ee hore loo qaadi jiray, taasoo oo caddadkeedu ahaa lacag dhan 33$ Doollar ah oo cashuur la isla ogyahay ahayd , lacagta rakaabka soo dhoofaya ee isugu jira Muwaaddinka iyo qofka Ajanabiga ahiba ay bixiyaan isu geyn waa 43 $ iyadoo ay ku jirto 10$ oo siyaado ah oo Wasiirku u meel marsaday inuu ku sugayo ammaanka Madaarka (Airport-ka).

Maxamuud Xaashi CabdiWaxaa garoommada diyaaradaha ee Hargaysa iyo Berbera markii hore iyo maantaba ka duula Afar shirkadood oo duyuurado ah, kuwaasi oo kala ah 1) Daallo Airline 2)Juba Airline 3)Afircan Airline iyo 4)Ethopian Airline sida aynu wada ogsoonahay duyuuradahani waxay u badanyihiin duyuurado waaweyn oo qaada rakaab (passengers) ka badan intooda badan 250-300 qof iyo Hawl wadeenada Duyuuradahaasi (cabin crew).

Waxay Diyaaradahani sameeyaan intooda badan duullimaadyo joogto ah sida shirkadaha ay intooda badan Soomaalidu ka Masuulka tahay ama ay Mulkiilayaasha ka yihiin in ay duullimaadyadoodu noq daan laba jeer illaa 3 jeer toddobaadkii haddaanay ka badan, waxaa intaa dheer in Ethopian Airline tahay mid iyadu si joogto ah maalin walba u duusha.

Haddaba, waxa aynu ka qiyaas-qaadan karaynaa caddadka dadka dalka dibeddiisa u soo baxa meeshay doonaan ha soo aadeene ee laga qaadayo 10$ Doollar ee ammaanka Madaarka (Airpot-ka) lagu sugayo sida uu War-Saxaafadeed ku soo saaray Agaasimaha Wasaaradda Duulista Hawadu Mr. Cumar Cabdillaahi Aadan, waxaad ka qiyaas-qaadan kartaa adigoon baadhin ama raadin caddaymo dayuuradood iyo rakaabka sannadkii ay qaadaan haddii la cel-celiyo oo dayuurad walba laga dhigo inay toddobaadkii-ba laba jeer duullimaad samayso.

Sidoo kale, marka lagu cel-celiyo caddadka rakaabka ay soo dhoofiso 250 qof duullimaadkiiba macnaheedu waxa ay noqonaysaa in dayuurad kastaa qaaddo toddobaadkii 500 oo qof isugeyna ay rakaabsadaan 2000 qof marka lagu dhufto 10$*2000= 80.000 oo waliba aan meel sharciyan ay u marayaan Distoorka dalka u yaalla in ay ku xarooto Wasaarada Duulista Hawada iyo Gadiidka Cirka qasnaddeeda amaba jeebka Wasiir Maxamuud Xaashi aanay jirin.

Distoorka Somaliland u yaalla oo ah in dakhli walba oo cashuuro ah ama Fee qaadhaan iwm ah, oo ay qaadaan Waaxyo ka mid ah Hay’adaha dawliga ahi ay qaadaan inay ku dhacdo Qasnadda Wasaaradda Maaliyadda ka dib qorshaha Xukuumadda ee qorshe-sannadeedka ay ka muuqataa lacagta looga saarayo Wasaarad kasta iyo hawlaha ay ku fulinayso iyo in ay soo samayso sannadka aakhirkiisa Xisaab-xidh buuxa oo qeexaya waxa lagu qabtay iyo meelaha ay kala gashay lacagtaasi.

Hase-yeeshee, Wasiirka Duulista ayaa samaystay shirkad u gaar ah oo uu yidhi; ‘waxay sugaysaa ammaanka Madaarka, Shirkaddan oo ay ka shaqeeyaan dad ka yar 10 qof oo shaqaalaha rasmiga ah ee ammaanka shandadaha iyo wixii la mida sugaana waxay ka mushahar qaataan Wasaaradda lacagteeda qorshe sannadeedkii ay ku fuliso ee Miisaaniyadda Qaranka ugu jira.

Haddaba, Lacagtan loo macmashay shirkadda gaarka ah oo aanad arkayn Xafiis meel ay ku leeyihiin Ciidan ay ka tirsanyihiin meelo lagu ansaxiyey shaqadoodu waxay tahay iyo su’aalo badan oo is weydiin u baahan waa waxba kama jiraan waana lacag ku dhacda jeebka Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi.

Waxaa-se ayaan-darro ah in Baarlamankii la doortay ee la xisaabtami lahaa ee ogaan lahaa waxyaabaha sidan oo kale ah ee faashilka ah aanu xil iska saarin hanti-boobka ummadda lagu hayo ama aanay ku baraarugsanayn-ba in wax ka qabashada boobka hantida Shacabka ay iyaga Masuuliyadi ka saaran tahay oo ay iyagu metelaan shacabka jilicsan ee codkooda ku soo doortay.

Waxaana Xogtan Hilaacmedia heshay ka hor jiray eedaymo Musuqmaasu oo dul hoganayey Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Maxamuud Xashi Cabdi, eedaymahaas hore oo loogu jeediyey inuu lunsaday qayb ka mid ah Lacag Toban Milyan oo Doollar ahayd oo ay dawladda Kuite ugu deeqday Somaliland si loogu horumariyo Madaarrada dalka, gaar ahaan kuwa Hargeysa iyo Berbera, taasoo aan illaa hadda inteeda badan la ogeyn meel ay ku dambaysay, cid wax ka qabatay ama daba-gashayna aanay jirin, iyada oo la ogyahay lacagta dib loogu dhisay Madaarka Hargeysa inay xataa qayb ka tahay Qaadhaan lacageed oo ay bixiyeen Shirkadaha Diyaaradaha ee dalka Xafiisyada ku leh, diyaaradohuuduna ay yimaaddaan.

Haddaba, waxaas oo dhan waxa waajib ah in Mudanayaasha Baarlamanku (Golaha Wakiilladu) wax ka qabtaan arrintan lana xisaabtamo Wasiirka Duulista Hawada oo la ogaado Shirkadda lagu sheegay inay ammaanka sugayso baaxaddeeda, shaqaalaheeda rasmiga ah, mushaharka ay ku shaqeeyaan, Ciidanka ay hoos-tagto , iyo Wasaaradda ay sharci ahaan u hoos-tegayso shirkaddani, shaqada rasmiga ah ee ay qabato iyo wixii la hal maala, si ay wax uga qaban karaan musuqmaasuqaas xadhkaha goostay ee Wasiirku sida badheedhka ah ugu kacayo.

Waxaa Faaladan Diyaariyay

Cumar Cabdi Nuux

Chief of Editor/ Tifaftiraha Guud

Radio Hilaac

Email:radio.hilaac@gmail.com

Hilaacmedia Helsinki Office.