Wasiirka Duulista Iyo Hawadda Oo Masuul Cusub u Magacaabay Afhayeenka Wasaaradaasi

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaarada duulista hawadda iyo gaadiidka cirka Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi  ayaa masuul cusub u magacaabay madaxa xafiiska xidhiidhka dadweynaha iyo saxaafadda ahna Afhayeenka wasaaradaasi.

Saddam MohamedSida lagu sheegay War saxaafadeed uu maanta soo saaray  Agaasimaha Guud ee Wasaarada Duulista Cumar Cabdilaahi Aadan, War saxaafadeedkaas oo u dhignaa sidan:- “Wasiirka Wasaarada duulista hawadda iyo gaadiidka cirka Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa go’aan Wasiir ku magacaabay madaxa xafiiska xidhiidhka dadweynaha iyo saxaafadda ahna Afhayeenka wasaarada.

Wasiirka ayaa waxa uu Go’aankiisa uu ku yidhi “ ka dib markii aan ogaaday in baahi weyn loo qabo in la helo xafiis wasaaradda u qaabilsan hawlaha xidhiidhka dadweynaha iyo saxaaafaddaba, isla markaana aan aad u indho-indheeyay masuul gudan kara hawshaas.

Ka dib markii aan sameeyay la tashi badan, kuna qancay in uu dardar galin karo, qabana karo masuuliyaddan oo u baahan dadaal badan iyo socodsiinta hawshan oo wasaarad ahaan muhiimad weyn u leh hawsha qaranka aanu u hayno.

Waxaan go’aansaday in aan Saddam Maxamed Axmed u magacaabo inuu noqdo Madaxa xafiiska xidhiidhka dadweynaha, iyo saxaafadda ahna Afhayeenka Wasaaradda.

Sidaa daraaddeen, waxaan masuulka farayaa inuu xilkaas aan u magacaabay u guto si daacadnimo iyo hawkarnimo leh.”

ALLA MAHAD LEH.

 

Cumar Cabdilaahi Aadan

Agaasimaha Guud ee WDHG&Cirka

Hargeysa/ Somaliland.