Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Oo Hor Tagay Guddida Joogtada Ah Ee Golaha Guurtida Somaliland Kana Hadlay Arimo Badan Oo Wasaaradiisa Khuseeya

Hargaysa(SLPOST):-Wasiirka Wasaarada Diinta Iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil C/Laahi Axmed Ayaa Maanta Hor Tagay Guddida Joogtada Ah Ee Golaha Guurtida Ee Somaliland Isla Markaana U Jeediyey Warbixin Dheer Oo Ka Hadlaysa Halka Hawlaha Wasaaradaasi Ay Marayaan.

Sheekh khaliil

Wasiirka Diinta Iyo Awqaaftu Waxa Kale Oo Uu Ka Hadlay Khilaafaad Dhawaan Soo Kala Dhex Galay Guddida Wanaag Faris Iyo Xumaan Reebista Somaliland Iyo Kaalintii Wasaaradiisu Ka Qaadatay Daminta Khilaafaadkaasi.

Ugu Horayn Wasiirka Oo Ka Hadlaya Tamarta Wasaarada Diinta Iyo Awqaafta Iyo Farqiqa U Dhaxeeya Xiligan Iyo Wakhtigii Hore Waxa Uu Yidhi:-” Runtii Sidaad Ka War Qabtaan Cadaalo Daro Ayey Noqonaysaa Haduuno Ku Koob Naano Xarunta Diinta Iyo Aw Qaafta Somaliland Wasaaraduna Sidaa Ka War Qabteen Waxa Ay Ahaan Jirtay Wasaarada Iska Tamar Liidata Ilaa Xiligii La Aas-Aasay Maanta Oo Aanu Ugu Badanahayna Waxaanu Maraynaa 63 Qof Oo Kala Jooga 13ka Gobol Ee Ay Somaliland Ka Kooban Tahay Dee Markaas Waad Garan Kartaa Inta Joogta Gobolada Iyo Xarunta Hargaysa,Waxaanan Maanta Aad Iyo Aad Ugu Farax Sanahay Gobolada Fog-Fog Ee Bariga Sida Laas Qoray Inaanu U Maga Cawnay Shaqaale In Kasta Oo Ay Hadana Xubin Xubin Kaliya Yihiin Sida Isuduwaha Gobolka Iyo Laba Xubnood Oo Kale Oo La Shaqeeya.

Mar Wasiirku Uu Ka Hadlay Qorshaha Sannadkan Ee Wasaaradiisa Waxa Uu Yidhi:-”Imika Ka Wasiir Ahaan Iyo Wasaaradaba Waxa Noo Qorshaysan Inaanu Gobolada Galbeedka U Magacawno Afar Xubnood Oo Aanu Shaqaalayno Horena Noola Shaqayn Jiray,Sidaas Darted Waxa Noo Qorshaysan Inaanu Is Baahino Oo Aanu Ku Socono Fidintii Gobolada Waan Takeentay Inaanu Safar Ku Gaadhno Maalin Dhaw Galbeedka Fog Ee Somaliland Iyo Bariga Foga Ee Somaliland Xafiisyano Kasoo Furano.

Dhinaca Kale Wasiirka Oo Ka Hadlaya Khilaaf Soo Kala Dhex Galay Guddida Wanagaa Farista Iyo Xumaan Reebista Somaliland Iyo Waxa Uu Salka Ku Hayo Waxa Uu Sheegay:-”Hortu Guddida Wanaag Farista Waxa Soo Xusha Qaarkooda Wasaarada Diinta Iyo Aw Qaafta Somaliland Talana Waanu Ku Leenahay De Markaas Dad Looga Qateen Ah Oo Culimo Ah Ayaanu Kasoo Xulnaa Gobol Kasta  Oo Noqon Kara Hogaamiye Madaama Oo Ay Hogaamiyaheedu Tahay Wasaarada Diinta Iyo Aw Qaafta Markaas Waanu La Soconaa Cid Ay Dooranayaa Cid Ay Soo Xulayaan Waxaanan Runtii La Qabnaa Saacdo Faro Badan Oo Gobolada Ayaanu Waxa Uga Uruurinaa Qaarkoodna Sida Guddida Wanaag Farista Ee Burco Gawaadhin Ayaanu Xukuumada U Waydiinay Oo Lasiiye.

Wasiirka Diinta Iyo Awqaafka Ayaa Hadal Qof Iska Yidhi Ku Tilmaamay Hadal Khilaaf Badan Soo Kala Dhex Galiyey Culimada Dalka Oo Uu Saxaafada Ku Baahiyey Sheekh Maxamed Xaaji Maxamuud Xiiray:-”Hadalka Kasoo Yeedhay Guddoomiyihii Hore Lama Odhan Karo Waa Khilaaf Dimeed Ee Waxa La Odhan Karaa Waa Hadal Nin Iska Yidhi Lakiin Yaynaan Inagu Khilaaf Ka Dhigin Sidaad Daradeed Waxa Ay Wasaaradu Warsaxaafadeed Kusoo Saartay Go’aanka Ay Ka Qabto,Waxaana Markiiba War Saxafadeedkaas Ku Cadayna In Ay Arinkaas Tahay Waxaan Hore Loo Maqal 14 Qarni Ayey Diinta Islaamku Jirtay Cid Ku Hadashay Inta Uu Ninkaas Sheegay Manaa Ay Dhicin Mana Jirto,Madaamo Aanu Dhaqankii Iyo Ilaalinta Diinta Masuul Ka Nahay Inaanu Lasii Wadno Waanu Ka Caqli Waynaanay Waxaasina Waxa Ay Noqotay Wax Isag Uun Ku Kooban.

Wasiirka Waxa Uu Ka Codsaday Dadka In Ay Ka Fogaadaan Wixii Khilaaf Sababi Waxaana Uu Yidhi;-”Wacyi Galinta Iyo In Aynu Is Raacno Aniguba Waanigii Idiin Raacay Xariirada Ee Idin Kala Shaqeeyey Nabad Galiyada Markaas Wasaarada Diinta Iyo Aw Qaaftu Ma Ogolaan Doonto Sheekh Khilaaf Diimeed Dalka Ka Dhexe Abuuray Markasta Waxa Ay U Taagan Tahay Sidii Ay Dalkeeda Iyo Meel Kasta Oo Khilaaf Ka Dhaco Usoo Heshiisiin Lahayd.

 

 

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland