Wasiirka Dib-u-dejinta Somaliland oo Kulan la Qaatay Wasiirka Arrimaha Gudaha Dalka Finland iyo Waxyaabaha labada dhinac ka wada-hadleen

Helsinki (SLpost)- Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Finland Mrs Päivi Räsänen, ayaa shalay la Kulantay wefti uu hogaaminayo Wasiirka Dib-udejinta Somaliland Md. Saleban Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) oo maalmihii u dambeeyey socdaal shaqo ku joogay  Caasimadda dalkaas ee Helisinki.

Kulankan oo Weftiga Somaliland si rasmi loo qaabiley, ayaa ku qabsoomay xarunta wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalkaas, waxaana   Wasiirka Wasaarada arimaha gudaha ee Finland kulanka ku wehelinayey madax kale oo kasocotay wasaarada arimaha gudaha ee dalkan Finland.

Dr Xagla-toosiyeWasiirada Wasaarada arimaha Gudaha ee Finland Mrs päivi räsänen ayaa si heer sare ah usoo dhawaysay Wasiir Saleban iyo weftigiisaba, tilmaantayna inay ku faraxsanyihiin ka wasaarad ahaan iyo dawlad ahaanba inay kulan noocan oo kale ah yeeshaan maanta Wefti kasocda dawlada Somaliland.

Labada Wasiir ayaa faalo ka bixiyey labaduba mid walbaa dhankiisa iyo dawlada uu ka tirsanyahay sida ay diyaarka ugu yihiin inay sameeyaan xidhiidh wanaagsan oo dhex mara laba wadan, iyagoo xusay mandaqada geeska afrika ee ay ku taal Somaliland in-loo baahanyahay inlayska kaashado waxyaabo badan oo khuseeya dhinacyada Nabadgalyada, Horumarka, Budhcad-badeeda, Ladagaalanka argagixisada iyo waxyabaha lamidka ah.

Wasiirka Wasaarada dib-udejinta Somaliland Md Saleban Esse Ahmed ayaa xusay in dawlada Somaliland ay ubaahantahay kaalmo dhanwalba ah, iyo inay dawlada FINLAND wixi ay ka gaysan karto horumarka dalka Somaliland ay ka qayb qaataan, halka dhanka kale aysoo dhawaysay Wasiirada Wasaarada arimaha gudaha ee Finland is-kaashi dhex-mara labada dawladood.

Weftiga kasocda dawlada Somaliland ee maalmihi ugu danbeeyey ku sugnaa dalka Finland ayaa waxay la-kulmeen qaybo badan oo kamid ah madaxda dalkan Finland. Sida Siminaar balaadhan oo ay shalay kasoo qayb galeen, madax kasocota laanta socdaalka dalka FINLAND, Madaxda IOM Finland Iyo Norwey, qaar kamid ah Madaxda Booliiska Wadankan Finland, Iyo Kulankan ay la kulmeen Wasiirada Wasaarada arimaha gudaha. Mrs päivi räsänen iyadoo weli ay uqorshaysanyihiin inay lakulmaan Wasaarada arimaha dibeda ee dalkan Finland iyo Gudoomiyaha baarlamaanka.

Kulankan ayaa intii uqabsoontay weftiga kasocday Somaliland gabi ahaantood waxay ugu dhamaadeen is-afgarad wanaagsan.

Maxamed Xasan Mataan

Suxufi Madax-bannaan,

Helsinki, Finland