Wasiirka Dhalinyarada oo shaaciyey wax-ka-beddel lagu sameeyey Wakhtiga Qabsoomidda Ciyaaraha Gobollada iyo Xilliga Sannadkan la qabanayo

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaradaha Somaliland, ayaa shaaca ka qaadday xilliga ay qabsoomayaan Ciyaaraha gobollada dalka oo sannadkii u dambeeyey aan dalka lagu qaban, waxaana loo muddeeyey in la qabto bisha siddeed ee sannadkan.

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Cali Siciid Raygal, ayaa wareegto uu maanta soo saaray ku sheegay in ciyaaraha gobollada dalka la qaban-doono bisha August ee sannadkan, wakhtigaas oo lagu beegay xilli ay fasax ku jiraan ardayda Wax ka barata Dugsiga Dawladda.

Cali Siciid RaygalWareegtada oo lagu socodsiiyey Agaasimaha Waaxda Ciyaaradaha, Guddida Olombikada Qaranka, Xidhiidhka Kubadda Cagta, Maayarrada iyo Badhasaabbada dalka, waxa uu wasiirku ku shaaciyey wax-ka-beddel lagu sameeyey wakhtiga la qabto Ciyaaraha dalka oo sannadkiiba hal mar la qabto, taas oo uu ku beddelay in labadii sannaba hal mar la qabto Ciyaaraha gobollada dalka.

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland ma sheegin goobta sannadkan lagu qaban doono tartanka Ciyaaraha Gobollada oo muddadii Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo jirtay la qabtay saddex jeer, iyada oo lagu kala qabtay gobollada Togdheer, Maroodijeex iyo Saaxil.

Wareegtada ka soo baxday xafiiska Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, ayaa u qornayd sidan:- “Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland iyada oo ka duulaysa siyaasadda Xukuumadda iyo dar-dargelinta shaqada ay hayso waxay halkan ku shaacinaysaa wakhtiga rasmiga ah ee uu qabsoomi doono tartanka ciyaaradaha gobollada Somaliland.

Sida aynu ka war-hayno tartankani ma uu qabsoomin sannadkii hore tabaabusho iyo diyaar-garaw xooggan oo ka duwan kuwii awgeed. Waxa tartanka ciyaaraha gobolladu uu qabsoomayaa haddii Alle yidhaahdo bisha August sannadkan 2015-ka. Wakhtigan aanu u cayimnay qabsoomidda tartankan oo ah ka ugu baaxadda weyn dalka, ayaa ay wakhti munaasib ah oo aanu ka eegnay dhinacyo badan, waa wakhti haddii Eebbe idmo ay bisha Ramadan dhammaatay iyada oo dhanka kale guud ahaan Ardaydu ay fasax sannadeedka ay ku jiraan halka sidoo kale ay dalka yimaaddaan Qurbejoog aad u tiro badan.

Haddaba waxaanu faraynaa cid kasta oo ay khusayso sidoo kalena aanu wada-shaqayn leenahay inay ku diyaar-garoobaan inta ka hadhay muddadaas aanu shaacinnay.

Haddaba, laga bilaabo wixii immika dambeeya tartanka ciyaaraha Gobollada Somaliland waxa uu noqon doonaa mid labadii sannaba hal mar la qaban doono insha Allah. Waxaanan rejaynayaa in tartanka soo socda iyo kuwa xigaba inoogu qabsoomi doonaan hannaan qurux badan oo nabad-gelyo iyo xasilooni ah,” Sidaas ayaa lagu sheega wareegtada wasiirka.

Somalilandpost.net