Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland oo Amar Ka Soo saaray Go’aanka Xulashada Booska Agaasimaha Fulinta ee SONYO

 

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha ee Somaliland, ayaa saluug ka muujisay qaabka hoggaanka dalladda dhalinyarada ee SONYO u maamushay buuxinta Booska Agaasimaha Fulinta ee dalladda oo bannaanaaday, kaas oo ay tartan u galeen dhalinyaro muwaadiniin ah.

Tartanka loo galay buuxinta booska Agaasimaha Fulinta iyo qaabka loo maareeyey xulashada qofka ku habboon ee booskaas ku guulaystay, ayaa dhaliyey muran iyo tuhunno hor leh oo lala xidhiidhiyey hoggaanka sare oo dalladda SONYO, kaddib markii la sheegay in guddoomiyaha Daladda SONYO Mr Cabdicasiis Siciid Saalax uu af-duubay maamulista iyo imtixaan ka qaadista guddi loo saaray kala saarista murashaxiinta u tartamay.

Kaddib markii 25-kii bishan oo maalintii shalay u beegnayd uu War-saxaafadeed soo saaray Guddoomiyaha SONYO ku sheegay in booskaas uu ku guulaystay muwaadin lagu magacaabo Cabdixamiid Maxamed Cumar, waxa soo baxay muran ka dhashay arrintaas, kaddib markii la sheegay inuu booskaas ku soo baxay kuna guulaystay muwaadin lagu magacaabo Sharma’arke Ismaaciil Idiris, balse uu xuquuqdiisa ku waayey sababo lala xidhiidhiyey musuq-maasuq iyo afduub guddoomiyaha SONYO ku kacay, ayaa waxa arrintan soo dhex-galay Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Eng Yuusuf Mire Maxamed (Boos) oo soo saaray go’aan uu ku joojinayo xulashada booska Agaasimaha Fulinta ee SONYO oo uu ku tilmaamay inaan loo marin nidaam caddaalad ku dhisan.

Sida lagu sheegay waraaq nuxurkeedu ku saabsan yahay Go’aanka Xulashada Booska Agaasimaha fulinta, kuna taariikheysan maanta oo taariikhdu tahay 26 November, 2019-ka, laguna socodsiiyey Guddiga Golaha Dhexe ee Dalladda SONYO, ogeysiinna la siiyey Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Wasiirka Qorshaynta Qaranka iyo Madaxweynaha Somaliland, wasiirku waxa uu amray in gebi ahaanba la joojiyo xulashada booska loo tartamay oo uu sheegay in masuuliyadda kala-saarista ay leeyihiin Guddiga Golaha Dhexe, balse uu guddoomiyuhu af-duubay.

Hoos kaga Bogo Waraaqda Ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Dhalinyarada Ciyaaraha