Wasiirka Cadaaladda oo Qirtay inuu Dhex-dabbaalanayo eedaymo Hoggaanka Kulmiye u jeediyeen Wasiirro Xukuumadda ka tirsan {Dhegayso}

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Xuseen Axmed Caydiid, ayaa jawaab ka bixiyey hadallo ka soo yeedhay Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo Maxamed Kaahin Axmed oo sheegay inay Madaxweynaha iyo Hoggaanka Xisbiga kala dilayaan oo ay khilaaf ka dhex-abuurayaan Xubno Wasiirro ah oo Xukuumadda ka tirsani.

XuseenWasiir Xuseen Axmed Caydiid oo ka mid ahaa xubno ka tirsan Golaha Fulinta ee Xisbiga Kulmiye oo maanta kulan ay Hotel Maansoor ku yeesheen ku shaaciyey xilliga uu qabsoomayo Shirka Golaha Dhexe oo khilaaf ka taagan yahay, ayaa isaga oo hadal hoggaanka Kulmiye daba-socda, waxa uu qiray inuu ka mid yahay Wasiirrada eedda loo jeediyey ee madaxda Kulmiye sheegeen inay kala dilayaan madaxweynaha iyo hoggaanka Xisbiga.

DHEGAYSO