Wasiirka Caafimaadka Somaliland oo lagu Eedeeyey gabbood-fallo musuq-maasuq

Hargeysa (SLpost)- Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg) oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ku eedeeyay inuu ku kacay Musuqmaasuq baahsan.

Xildhibaanka oo Maanta hadal ka jeediyey Xarunta Golaha Guurtida Somaliland oo Mudaneyaashu kaga doodayeen Xaaladda Adeegyada Caafimaadka ee Dalka, ayaa isagoo Arrimahaa ka hadlaya wuxuu yidhi, “Wasiirkii caafimaadka ayaa laba Fooq oo dhaadheer dhisanaya, oo aan la odhanayn halkeed ka keentay Lacagtan ? innagu waxaynu nahay Guurti, waxaynu aragno ayaynu tilmaamaynaa”.

Xildhibaanku wuxuu farriin u diray Madaxweynaha, waxaanu yidhi, “Madaxweynaha waxaanu leenahay Madaxweyne Goobtaa wax ka qabo, waxaanad tidhaahdaa dhakhaatiirta waxa Mushaharka laga siinayaa Cashuurta Dadka laga soo qaado ee Qof buka oo Lacag laga qaadayaa ma jirto oo Bilaash Dadka ku siiya, waynu karaynaaye Daawadaa la iibsanayo ee aqallada laga dhisanayo Dadka hala siiyo”.

Dhinaca kale, ka Sakow hadalka xildhibaanka waxa jira Mudaneyaal kale oo aad uga dayriyey Adeegyada Xarumaha Caafimaad ee Dawladdu maamusho, waxaana xildhibaano badan oo hadlay isku raaceen in Cisbitaalka guud ee Hargeysa aan lagu tilmaami karin inuu yahay Cisbitaal Dawladeed.

@HCTV