Wasiirka Caafimaadka oo ka hadlay Qorshe lagu Qiimeynayo Xirfadleyaasha Caafimaadka iyo Awoodda Guddi Heer Qaran ah oo loo Xilsaaray

dr xoogHargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr Xuseen Maxamuud (Xoog), ayaa daboolka kaga qaaday awoodda Guddi Caafimaad oo loo xil-saaray Qiimeynta Xirfadleyaasha Mihnadda Caafimaadka ee Gaarka loo leeyahay ee dalka.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaad oo hadal ka jeediyey munaasibad lagu daahfuray Halw-galka Guddida Mihnadleyaasha Caafimaadka Qaranka oo lagu qabtay Hargeysa, waxa uu sheegay in Dadweynaha Somaliland Cabasho xooggan ka muujiyaan xirfadleyaasha Caafimaadka Qaarood, kuwaas oo aan laga warhayn heerkooda Aqooneed.

 “Runtii dadweynaha reer Somaliland waxay cabasho noogu soo jeedinayeen oo in badan ashkato noogu keeneen dhibaatadda ka haysta dad xirfadlayaalla oo aan aqoontoodii heerka ay gaadhsiisantahay aan war loo haynin shahaadadooda aan la ogayn, qaar la ogyahay in aanay shahaadaba qaadan oo aanay jaamacad iyo dugsi caafimaad ka bixin xitaa iyo ku shahaado haysta oo khalado galayaa oo khaladadoodii in meel la saaro aan la haynin,” ayuu yidhi Wasiirka Caafimaadku.

Dr Xoog waxa uu sheegay inaanay suurto-gal u ahayn Wasaaradda Caafimaadka iyo Guddidanba haddii aanu jirin Xeerkii lagu hagi lahaa Xirfadleyaasha Caafimaadka, haseyeeshee wakhtigan oo uu xeerkaasi diyaar yahay, ay ku tallaabsan doonaan tallaabo ka dhan hubinta aqoonta mihnadleyaasha Caafimaadka, waxaanu yidhi, “Anaga oo tixgalinaynaa cabashadoodii waxaanu dar-dargelinay xeerkii inuu hirgalo oo la ansixiyo, dadka samaynaya ficilka ay dadku ka soo ashkatoonayaan ama waa dadkeenna ama dadka wata oo ka dambeeya ama nin weyn ayaa ka dambeeya. Dadkana haddii aynaan sharci ku kala baxayn waad murmaysaa, aniga oo murankaa iska diidayna oo in badan dhegaha ka furaysanay oo aanu maanta oo kale la sugaynay wax-qabadkayga, xeerkaasi wuxuu meesha ka saarayaa qof aan xaq u la’ahayn inuu wax daweeyo.”

Wasiirku waxa uu taabtay waxqabadyada Xeerkani u jidayn doono ilaalinta Xuquuqda Caafimaad ee Muwaadinka iyo mihnadleyaasha ku hawl-gala, waxaanu yidhi, “Waxa uu meesha ka saarayaa dhakhtar ajaanib ah oo iska yimi oo aynaan jaamacadiisana ogayn oo meel iska furtay, wasaaraddana soo marin sida imika dhacda. Dhakhtar kasta oo ajaanib ah oo khibrad iyo aqoon leh waynu u baahannahay oo ma joojinayno.”

Wasiir Xoog oo ka hadlaya xidhiidhka wada-shaqayneed ee hay’adaha madaxa-bannaan iyo Xukuumadda, waxa uu yidhi, “Dowladda maanta hal ku dhigeeddu waxay tahay in la muujiyo go’aan dowladnimo oo xeerka la hirgalinayo qiimo kasta ay ku kacayo  gacan lagu siinayo hay’adda gacanta ku haysaa oo ah hay’ad ka madaxbannaan laakiin ay wada-shaqayn leeyihiin wasaaradda caafimaadka oo gacan lagu siinayo wixii ay codsato.”

Ugu dambayntii, wasiirku waxa uu ka hadlay waajibaadka Sharci iyo awoodda ay ku hawl-gali doonaan Guddida qiimeynta Mihnadleyaasha Caafimaadka oo uu sheegay inay iyagu go’aan ka qaadan doonaan Cid kasta oo loo arko inaanay buuxin shuruudaha Mihnadda Caafimaadka, “Marka waxaan halkan ka ballan-qaadayaa anigoo dowladda uga wakiil ah caafimaadka, in gacan-siinta ay u baahdaan ee sharci iyo fulineed ah, aanu diyaar la nahay iyagoa xor ah go’aanka ay gaadhaan, ciddii ay u arkaan in aanay munaasib u ahayn inay dadka daweeyaan oo aanay gacantoodu aamin ahayn in marka ay go’aan ka soo saaraan aanu go’aanka la fulino oo aanu hirgalino,” ayuu yidhi Wasiirka Caafimaadka.

SOMALILANDPOST.NET/Hargeysa