Wasiirka Beeraha Oo Xilka U Kala Wareejiyey Wasiir Ku-xigeenkii hore iyo Wasiir Ku-xigeenka Cusub ee Wasaaradda

Advertisement

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha ee Somailand, ayaa maanta xilka u kala wareejiyey Wasiir ku-xigeenka Cusub ee Wasaaradda Maxamuud Warsame Jaamac iyo Wasiir ku-xigeenkii hore ee Wasaaraddaas Yurub Abiib oo loo beddelay Wasaaradda Arrimaha Bulshada.

Munaasibadda Xil-wareejinta oo ku qabsoontay hoolka Shirarka Wasaaradda Horumarinta Beeraha, waxa ka qayb-galay masuuliyiin ka tirsan Golaha Wasiirrada Xukuumadda, madax-dhaqameed, siyaasiyiin, masuuliyiinta iyo hawl-wadeennada Wasaaradda Beeraha iyo marti-sharaf kale.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo mid ka mid ah masuuliyiinta Wasaaradda oo ku hadlayey magaca shaqaalaha Wasaaradda, ayaa hadallo ay ku sagootiyeyaan wasiir ku-xigeenkii hore kuna soo dhaweynayaan wasiir ku-xigeenka cusubb ka jeediyey madasha xil-wareejinta labada masuul.

Advertisement

Faafaahinta Warkan Kaga Bogo Muuqaalka Hoose oo xambaarsan khudbadaha ay masuuliyiintu ka jeediyeen munaasibadda xil-warejinta labada Masuul.

 

Advertisement