Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Wareegto ku mamnuucay Mooshinno Xilalka lagaga qaado Maayarrada Dalka

“Maadaama oo wakhtigii doorashadu soo dhow yahay, wakhtiganna uu dalku ku jiro xaalad heegan ah oo dhinacyo badan leh oo u baahan in lays kaashado, wada-jirna looga hortago xaaladaha ina soo wejahay ee cadowgu inoo maleegayo” – Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland

 

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md Maxamed Kaahin Axmed, ayaa wareegto uu maanta soo saaray ku laalay kalfadhiyada aan caadiga ahayn ee mooshinnada xilalka lagaga qaadayo Maayarrada Goleyaasha Deegaanka 23 degmo doorasho ee dalka.

 

 

Wareegto uu soo saaray wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo uu ku socodsiiyey Guddoomiyeyaasha Gobollada dalka iyo Xildhibaannada Goleyaasha Deegaanka 23 degmo doorasho ee dalka isla markaana la ogeysiiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, maayarrada, ku-xigeennadooda, Xoghayeyaasha Fulinta Dowladaha Hoose, Taliyaha Ciidanka Booliska, Agaasimaha Guud iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa lagu sheegay maadaama muddo-xileedka loo kordhiyey goleyaasha degaanka ka hadhsan tahay muddo-kooban, doorashadii Goleyaasha deegaankanna la galayo dhammaadka sannadkan, aan haba yaraatee la qaban karin kalfadhiyo aan caadi ahayn oo loogu ololeynayo mooshinno xilalka lagaga qaadayo maayarrada dalka.

 

Waxa wareegtada lagu sheegay in Wasaaraddu go’aankan ka qaadatay kaddib markii laga war-helay in qaar ka mid ah xildhibaannada Goleyaasha Degaanka dalku wadaan oo si qaldan u abaabulayaan mooshinno Lagu ridayo maayarrada qaarkood, isla markaana ay xildhibaannadu si badheedh ah ugu xad-gudbeen shuruucda iyo xeerarka dalka, isla markaana lagu shacabka lagu kicinayo, taas oo sida wareegtada lagu sheegay horseedi karta qalalaase iyo amni-darro waxyeellaysa xasiloonida dalka.

 

Wareegatada Wasiirka oo summaddeedu tahay WAG/XW/490/51/2019 ku taariikheysan maanta oo bishu tahay 22-ka July, 2019, ayaa u qornayd sidan:-

 

Ujeeddo: Mamcuunid Kalfadhi aan Caadi ahayn

 

– Iyadoo lagu jiro sannadkii u dambeeyey xilligii doorashada loo asteeyey oo ah 12/12/2019-ka

 

– Iyadoo Xidhibaannada goleyaasha Degmooyinka qaarkood ay si khaldan oo fowdo ahna u abaabulayaan mooshin lagu ridayo maayarrada.

 

– Iyadoo Xildhibaannada qaarkood ay si badheedh ah xad-gudub ugu samaynayaan xeerarka iyo sharciga dalka iyo waliba kicinta dadweynaha, iyagoo xildhibaannadu arrimaha abaabulaya ay dadweynaha sifo qabiil kicin ugu samaynayaan, taasina ay sababi karto iska-horimaad dadweyne iyo nabadgelyo xumo dhaawacaysa Nabadgelyada Guud iyo nidaamka dowladnimo.

 

Haddaba, dhammaan guddoomiyeyaasha gobollada iyo Degmooyinka waxa la farayaa in aan la qaban karin kal-fadhi aan caadi ahayn oo mooshin loogu ridaayo Maayarrada iyo maayar-ku-xigeennada.

 

– Maadaama oo wakhtigii doorashadu soo dhow yahay, wakhtiganna uu dalku ku jiro xaalad heegan ah oo dhinacyo badan leh oo u baahan in lays kaashado, wada-jirna looga hortago xaaladaha ina soo wejahay ee cadowgu inoo maleegayo“. Sidaas ayaa lagu sheegay wareegtada Wasiirka Arrimaha Gudaha.

 

Go’aanka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, ayaa ka dambeeyey kaddib markii aqlabiyadda xildhibaannada Golaha Deegaanka Degmada Gabiley Wasaaradda u gudbiyeen in loo qabto kalfadhi aan caadi ahayn si xilka uga qaadaan maayaradda magaalada Gabiley Maxamed-Amiin Cumar oo khilaaf dhexmaray mudaneyaasha Golaha, arrintaas oo sababtay in wasaaraddu waxba ka dhegaysan waydo xildhibaannada dalbaday mooshinka, isla markaana Wasiirku la safto Maayarka iyo ku-xigeenka.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net