Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland oo Shaaciyey inuu yahay Murashax u tartamaya Golaha Wakiillada Somaliland

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon)

 

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Md Yaasiin Xaaji Maxamud Xiir (Faratoon) ayaa Maanta si rasmi ah u Shaaciyey inuu u Tartami doono xildhibaanimada Golaha Wakiillada oo uu isaga soo sharrixi doono Gobolka Sool.

Wasiir Faratoon oo qayb ka ah wefti wasiirro ah oo kormeer ku galaa-bixinaya deegaamo ka tirsan gobolka Sool, ayaa hadalka ka sheegay munaasibad ay ku soo dhaweeyeen shacabka ku dhaqan deegaamada ay socdaalka ku mareen.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon)

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo la hadlay Bulsho weynta ku dhaqan Gobolka Sool, ayaa sheegay in shirar kala duwan oo ay yeesheen aqoonyahanka Gobollada Sool, Buuhoodle iyo Sanaag lagu go’aamiyey in Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda uu u tartamo doorashadda Golaha wakiillada si uu u Hoggaamiyo Golaha Cusub ee la dooran doono 31-ka Bisha May ee sannadkan.

Wasiir Koore waxa uu sheegay in Wasiir Faratoon uu qaranka Somaliland waxtar badan soo geliyey waxaanu Shacab weynaha Goboladda bari ku booriyey inay Codkooda u hibeeyaan Wasiir Yaasiin Xaaji Maxamud Xiir Faratoon.

Sidoo Kale Wasiirka Hawlaha Guud, iyo Guryaynta Mudane C.rashiid Ducaale Qanbi ayaa fursad taariikhi ah ku tilmaamay in Wasiir Faratoon la go’aamiyey inuu u Tartamo doorashadda gollaha wakiiladda si uu golahaasi u hogaamiyo.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Yaasiin Xaaji Maxamud Xiir Faratoon ayaa isaguna dhankiisa u Mahadceliyey Bulsho weynta ku dhaqan gobolka Sool, waxaanu sheegay in ujeeddada socdaalkoodu salka ku hayo murashaxnimadiisa Golaha Wakiillada.

Wasiir Faratoon ayaa la filayaa inuu dhawaan is-casilaaddiisa u gudbiyo madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi.

Warkan oo Faahfaahsan ka daawo Muuqaalka Hoose

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net