Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland oo Qaabiley Safiirka Ethiopia u fadhiya Hargeysa

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Ciise Keyd Maxamuud, àyaa la kulmay danjiraha Itoobiya u fadhiya Somaliland Teshome Hamito oo booqasho ku tagay Wasaaradda Arrimaha dibadda.

Wasiirka Arrimaha dibadda Dr. Ciise Keyd Maxamuud, ayaa danjire Teshome Hamito guul u rajeeyay muddada uu joogo safaaradda Itoobiya ee Somaliland.

Danjire Teshome Hamito ayaa magacaabistiisu qayb ka tahay xoojinta xidhiidhka saaxiibtinimo ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Itoobiya. Waxaana dhawaan waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi.

Advertisement

Follow us On