Wasiirka Arimaha Gudaha Oo Macdaarada,Hudheelada, Guryaha iyo Adeegqabtayaasha Dalka Oo Dhan Ku Amray Inay Kaadha Muwaadinka La’aantii Aanay Waxba Qaban

 Hargeysa(Slpost)-Wasiirka arimaha gudaha Cali Maxamed Warancade ayaa soo saaray wareegto uu ku maraayo dhamaan adeeg bixiyayaasha dalkaba inay ruuxii ay adeeg u qabanayaan ay ka qaadaan kaadhka dhalasada Somaliland isla markaasna aanay marna adeeg qaban iyaga oo kaadhkaas hela mooyaane waxaana qoraalkaas oo dhamaystiran uu u dhignaa sidan”Laga bilaabo Maanta oo taariikhdu tahay 01/04/2016 waxaa lagu wargalinayaa Dhamaan Hay’addaha Dawliga ah iyo kuwa Madaxa banaan in Adeegyada ay bixinayaan ee ay u qabanayaan Muwaadiniinta haday tahay Sharciyada Dhulka, Liisanada Baabuurta, Iskuulada, Jaamacadaha, Cisbitaalada, Hudheelada, Xawaaladaha, Macradada Baabuurta lagu Iibiyo ama lagu kireeyo,iyo dhamaan wixii Adeega ee laga fulinaayo Dalka gudihiisa waxaa waajib ah in lagu  xidho Aqoonsiga Muwaadinka ee (ID card-ka Muwaadinka), si loo sugo qof Adeega loo samaynaayo cida uu yahay iyo waxa uu qabto. Dadka Ajaanibka ah ee ku sugan Dalka gudihiisa iyagana waxaa lagu xidhayaa Aqoonsiga Dal ku jooga ay bixiso Waaxda Socdaalku (Immigration), sidoo kale cidii sidata Baasaboor iyo Dal ku gal (entry Visa) aan wakhtigiisu dhicin qofkii aan sidan Aqoonsi Cidii adeeg u fulisa waxa uu noqonayaa Dambiile Qaran waxaana laga qaadayaa Talaabo sharciga waafaqsan.

 Sidoo kale dadka ku dhex safaraya Dalka Gudihiisa waa in lagu xidhaa Aqoonsiga Muwaadinka ee (ID Card-ka), isla markaana shaqaalaha ka shaqeeya dhamaan xarumaha Ganacsi iyo xarumaha Dawladu waa in ay haystaan Aqoonsiga Muwaadinka ee ID Card-ka, cid kasta oo shaqo siisa qof aan haysan Aqoonsi waxa uu noqonayaa dambiile.

Sidaas darteed, laga bilaabo taariikhda kor ku xusan waxaa waajib ah ku dhaqanka wareegtadan.”