Wasiirka arimaha dibada ee dalka mareykanka oo sheegey inay mucaawinadii ay siinjireen mucaaridka suuriya sii kordhinayaan

John Kerry
John Kerry
John Kerry

Suuriya (SLpost) Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalka Mareykanka, John Kerry, ayaa markii ugu horreysay balanqaaday taageero toos ah oo Mareykanku siinayo mucaaradka hubeysan ee Suuriya.

Tallaabadan oo loo arkay inay tahay isbeddel weyn oo ku yimid siyaasadda ayaa kaalmada Mareykanku bixinayo waxaa ku jira cunto iyo gargaar caafimaad laakiin hub kuma jiro.

Isaga oo ka hadlayay magaalada Rome kadib markii uu kulan uu la qaat ay kooxda saaxiibada Suuriya, ayaa Mr Kerry waxa uu ku dhawaaqay 60 milyan oo dollar oo dheeraad ah gargaar u dhigma oo la siinayo mucaaradka siyaasadeed ee Suuriya, si ay adeegga aasaasiga ah ugu qabtaan rayidka jooga goobaha ay ka taliyaan iyo inay gacan ka siiso inay dhisaan dowlad iyo nidaam kala dambeyn.

Hoggaamiyaha isbahaysiga qaran ee mucaaradka, Moaz al-Khatib, ayaa sheegay in weli ka xun yahay in aan la siin kaalmo militeri.

Somalilandpost.net/London