Wasiiradii Iscasilay oo Kulan Yeeshay Farriina Bulshada u Diray

 

Hargeysa(SLpost) – Qayb ka mid ah raggii shallay iska casillay xukuumadda Kulmiye ayaa maanta shir ay isku waraysanayeen ku qabtay magaalada Hargeysa.

 

Wasiiradii  hore ee madaxtooyada Somaliland, Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo arrimaha dibadda Maxamed Biixi Yoonis ayaa si kooban uga hadlay kulankan ay xubnihii shalay iscasilay ay Hargeysa ku yeesheen, waxaanay sheegeen inay ka arrinsanayeen qorshahooda Kulmiye.

 

Xirsi Cali Xaaji Xasan, wuxuu saxaafadda u sheegay inay xisbiga Kulmiye yihiin, kuna kalsoon yihiin inay haystaan aqlabiyadda xisbiga, sidaasina ay jecel yihiin inay kaga tartamaan xisbiga dhexdiisa “ shalay ayaanu xilka ka tagnay, Dawladdan muddo 5 sanno ka badan baanu u soo shaqaynaynay, qarankuna waa qarankayagii waanu sii dhisaynaa,” ayuu yidhi Wasiir Xirsi.

 

Wasiirku wuxuu bulshada u diray farriin nuxurkeedu yahay inay ammaanka ilaaliyaan, isna dejiyaan “ Wax dhib ahi ma jirto, dadka waxaan ugu baaqayaa inay isdejiyaan oo dadka inoo ilaaliyaan, danteena iyo nabadgalyadeena ayaa ku jirta, anaguna kuwii dalka dhisayay ayaanu nahaye kuwii dalka laga ilaalinayay ma nihin,” ayuu yidhi Xirsi.

https://www.youtube.com/watch?v=pFwjalJufxU

 

Maxamed Biixi Yoonis ayaa isaguna sidoo kale ka hadlay in aan looga baqayn dalka iyo dadkaba in ay fawdo galiyaan balse ay yihiin masuulliyiin dalka lexejeclo ka leh. “Waxaannu nahay dad dalkan nabad u wada, waannu nahay dad waddanka jecel. Annaga ayaa ka lexejeclo badan oo sababta aannu isku casilnayba waa lexejecladaannu dalka ka qabto iyo in aannu badbaadino” ayuu yidhi Maxamed Biixi.

 

Maxamed Biixi ayaa waxa u sheegtay in ay yihiin mujaahidiin dalkan usoo halgamay “Muwaadiniin dalkan u soo halgamay baannu nahay, diyaarna waxa aannu u nahay in aannu nabadiisa iyo horumarkiisa ka shaqayno” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Maxamed Biixi

https://www.youtube.com/watch?v=3nV_NWQr2kw