Wasiirrada reer Awdal oo Nidar la galay Madaxweynaha Somaliland iyo Bulshada Gobolka vs Jewigii 35 Dhalinyaro reer Boorama ah oo la sii daayey

Hargeysa (SLpost)- 35 Dhalinyaro oo 26-kii June magaalada Boorama laga soo qab-qabtay kaddib markii ay la soo baxeen calanka Soomaaliya, ayaa maanta xorriyadooda dib loogu soo celiyey.

Wasiirka Beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed ayaa ka hadlay sii-deynta dhalinyaradaas oo uu sheegay inay ku timi cafis madaxweyne kaddib markii xubnaha wasiirrada iyo xildhibaannada baarlamaanka ee ka soo jeeda gobolka Awdal codsi sii-deyntooda ay kaga dalbanayaan u gudbiyeen madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ay yeesheen kulan fool-ka-fool ah.

Hadalka Wasiirka Beeraha iyo Munaasibad kooban oo lagu soo dhaweeyey dhalinyarada oo laga sii daayey Jeelka Gabiley, kaga bogo Muuqaalka Hoose

Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa wareegto uu maanta soo saaray waxa uu munaasibadda Ciidal-Udxaha awgeed cafis ugu fidiyey 279 ka mid ah Maxaabiista ku xidhan Xabsiyada Dalka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net