Wasiirada Dibada Ee Jaamacada Carabta Oo Dalbay In Baadhitaan Lagu Sameeyo Weerarkii Safaarada Sucuudiga Ee Iiraan

Hargeysa(SLpost)Wasiirada arrimaha debeda ee wadamada ururka Jaamacada Carabta oo shaley ku shirey magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa taageeray dalka Sacuudiga, waxaanay cambaareeyeen weerarkii lagu qaadey safaarada uu Sacuudiga ku leeyahay magaalada Tehraan ee caasimada dalka Iiraan.

Weerarkaas ayaa ka dhashay dilkii uu Sacuudiga ku daldalay sheekh Nimr Al-Nimir, markaas ka dib ayaa waxaa xidhiidhkii diplomaasiyadeed ee ay la lahaayeen dalka Iiraan gooyay 8 wadan o Carab ah.  

Warsaxaafadeed ay goor sii horeysey soo saareen madaxda ku shirtey Qahira ayaa waxa ay ku sheegeen in baadhitaan lagu sameeyey weerarkii loo geystey safaarada Sacuudiga ee Tahran, iyadoo natiijada ka soo baxdana loo gudbin doono Golaha Amaanka si uu go,aan uga qaato.