Wasiir Xukuumadda Somaliland ka tirsan oo wax laga weydiiyey Tuhunno lagu tiriyo Urur-diimeedyo uu Xidhiidh la leeyahay iyo Nacayb uu u hayo Saxaafadda Madaxa-bannaan

HARGEYSA (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka Md Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa markii u horeysay ka hadlay tuhunno shaqsi ahaan lagu tiriyo inuu xidhiidh la leeyahay isla markaana uu aaminsan yahay ururro Diimeed oo waddanka dibaddiisa laga maamulo oo isaga iyo xubno ka tirsan xukuumadda madaxweyne Siilaanyo lagu xanto inay siiyaabo hoose oo qarsoon isticmaalaan mabaadii’da ay Ururradaasi ku shaqeeyaan.

WASIIR-CABDIRISAAQWasiirka Hawlaha Guud ee Somaliland oo dabeecad ahaan lagu tiriyo shakhsiyaadka ugu afka gaaban xukuumadda Kulmiye isla markaana aanay isku san-bannaanayn saxaafadda madaxa-bannaan ee dalka oo qaarkood khilaaf ka dhexeeyo, waxa uu ka hadlay caqabado ka hortaagan inuu xidhiidh wanaagsan iyo wada-shaqayn la yeesho saxaafadda madax-bannaan iyo sidoo kale inuu raalli-gelin ka bixinayo deeq-qaaf iyo meel-ka-dhac uu ku sameeyey oo qaarkood ka mid ah warbaahinta dalku ka tirsadeen.

Md Cabdirisaaq Khaliif oo waraysi dhinacyo badan shalay xafiiskiisa ku siiyey wariye Maxamuud Walaaleeye oo ka tirsan bahda Himilo, waxa uu faahfaahin ka bixiyey natiijada baadhitaanno iyo waxa uu salka ku hayo khilaaf soo kala dhex-galay Taliyaha iyo Abaan-duulaha Ciidanka Qaranka oo Madaxweyne Siilaanyo u xil-saaray Guddi Wasiirro ah oo Wasiirku ka mid yahay.

Waraysigan waxa wasiirka wax lagaga weydiiyey sababihii keenay inuu Somaliland ka goosto wasiirul-dawlihii hore ee Nabadeynta gobollada Bari Keyse Axmed Yuusuf oo immika ka tirsan kooxda nabad-diidka ah ee la baxday Khaatumo, halka uu ku dambeeyey Garaad Jaamac oo ka mid ah madax-dhaqameedka ugu waaweyn beesha Wasiirku ka soo jeedo, siyaasad ahaanna ka soo horjeeday Somaliland, kaas oo horraantii sannadkan magaalada Hargeysa lagu soo dhaweeyey iyo arrimo la xidhiidha hawl-meedka iyo shaqada Wasaarraddiisu u hayso Qaranka.

Waraysiga oo qayb ka ah xog-warran todobaadle ah oo Wargeyska Himilo maalinba mid ku soo qaato Masuuliyiinta kala duwan ee Qaranka, ayaa u dhacay sida tan:-

Ugu horeyn warbixin kooban naga sii hawlaha kuu qabsoomay muddadii aad joogtay Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka Iyo Guriyeynta?

Sida magaceeda ka muuqata wasaaradda waa wasaarad ballaadhan kana kooban todoba waaxood, shaqooyinka ugu balaadhan ee dalka ay u hayso waxa ka mid ah hantida ma-guurtada dalka oo masuul ka tahay iyo naqshadaynta guud ee qaranka, wixii dan guud ah. Muddadaan joogayna wax badan ayaan filaya inay qabsoomeen, sida Waaxda Gaadiidka oo xilligii ugu fiicnayd dhinaca dhaq-dhaqaaqa maraysa, dhowaan waxaan samaynay liisamo cusub oo elektoroonik ah, immika waxaan qorshaynayna sidii hoosadii gaadhiidka dawlada loo hawlgelin lahaa, waxaan keenaynaa qalabkii lagu baadhayey gaadhiidka inay ku haboon yihiin maritaanka waddooyinka iyo amaankooda.

Intii aad xilka wasiirnimo haysay, Muuqaalkaaga iyo maqalkaagu kuma badna bulshada, maxaad filaysaa inay sababeen?

Taas waxaan filayaa inay fikirkaaga ku kooban tahay. Anigu dadka iska hadla munaasibad ku haboon la’aanteed ma ihi, wixii munasibad ku haboon ama wasaaradda shaqadeeda sannadkan ilaa labaatan xilli ayaan filayaa inaan ka hadlay, waxqabadka saddex bilood laha, lix biloodlaha iyo sannadlaha dhamaan waan soo bandhignay, waxaan filayaa TV-ga qaranka muddadii ugu dheerayd todoba cisho ayey waxqabadkii wasaaradu ka socdeen.

Saxaafadeenna malaha caqabadaha haysta waxaan filayaa inay ka mid tahay kala xigasho la’aanta wararka, taasoo hay’ad walba jeceshay inay warka gaar uga hesho ilaha ay khusayso. Wixii shaqadayda ku saabsan ee ku haboon in saxaafada iyo bulshada u gudbaan waanu samaynaa oo way gaadhaan, wixii aan ku haboonayn ee hawl-maalmeedka shaqaduna xafiiska ayey ka socotaa.

Maxaad ku tilmaami kartaa xidhiidhka aad wadaagtaan saxaafadda oo qaarkeed deel-qaaf kaa tirsanayaan, sideed u aragtaa, Mase ka bixinaysaa Raaligelin?

Waxay ku haboontahay markaad waxyaalaha qaar ka hadlayso inaad aragtidayda tidhaahdid, ma aha, adigu saxaafadda kama turjumi kartid, shaqsi ahaana uma turjumi kartid. Marka koowaad annigu saxaafada uma shaqeeyo, kama shaqeeyo, wixii ay iiga baahdaan ee xog ah mararka ay haboon tahay waan siiyaa, mararka aanay ku haboonayn ee shaqo ka mugweyn aan hayana waxaan u dhaqmaa si hufan oo waxaan u sheegaa inaanan wakhti haynin.

Masuul ummada xil u haya ayaad tahay, waana waajib ku saaran marwalba inaad u iftiimiso wixii mugdi ka galo caddeynteeda. Adigu Wasiir Cabdirasaaq ahaan, maxaa ka jira xidhiidh la sheego inaad la wadaagto urur-diimeedyo siyaasadda xukuumadda aad ka tirsan tahay baalmarsan?

Kkkkkkk, waa waxyaalaha nasiib-darrada ah, waxaad mooddaa wacyiga dadkeenu bisaylkoodu inuu aad u liito. Annigu xukuumadda wasiir ayaan ka ahay, meelo badanna inaan ka caddeeyey ayaan filayaa in siyaasadda aan ku shaqeynayo tahay ta xukuumadda aan ka tirsanahay. Anigu dadka laysku haysto diintooda kama mid ihi, qof muslim ah ayaan ahay, oo ku faana, laakiin ma jiro urur-diimeed aan ka tirsanahay.

Bilo ka hor waa dalka yimi Garaadka guud ee beesha aad ka soo jeeddo siyaasad ahaan ka horjeeday Somaliland, balse sooryo iyo soo-dhoweyn wax dhaafsiisan oo ka soo baxay maynu arag. maxaa natiijo la taaban karo oo ka soo baxay Imaatinkiisa?

Waxaan filayaa in Garaadka, Somaliland lagu soo dhoweeyey, isaguna wuu yimi waanu caddeeyey wuxuu ku maqnaa iyo waxa uu ku yimi, saxaafadana wuu ka sheegay, goobo badana wuu ka sheegay, garaadkuna maanta Hargeysa ayuu jooga oo Somaliland kama maqna, awalna Garaad Somaliland ah ayuu ahaa. Way dhici kartaa in dadku aragtida lagu kala duwanaado, haddiiba ay dhacday inuu isagu siyaasadihii Somaliland ka soo horjeeday ka shaqeeyey, laakiin waxa weeye qof kasta oo reer Somaliland ah ama hore aragti haw lahaado, ama siyaasi ha noqdo ama madaxdhaqameed ha ahaadee, xukuumadda siyaasadeedu waa inay dadkeeda isu keento, dadkaa ayuu Garaad Jaamac ka mid ahaa, sidaasuu ku yimi, Wax khilaafsan Somaliland oo Garaad Jaamac intuu yimi ka dhacday ama lagu arkayna ma jirto, sidaasaanu ku joogaa.

Waxaad qeyb ka ahayd guddi wasiirro ah oo Madaxweyne Siilanyo u saaray baadhitaanka khilaaf kala dhexgalay Taliyaha iyo Abaanduulaha Ciidanka Qaranka, maxaad ka qabateen, wax xal ah malaga gaadhay?

Arrintaa madaxweynaha ayaa noo diray, wixii naloo diray waxay ahayd khilaafka iyo inaan soo baadhno dhibaatadu siday u jirto, waxaanan u gudbinay madaxweynaha, isagaana go’aan ka gaadhaya.

Wasiir waxa lagugu tiriyaa xubnaha ugu dhowdhow ee dhinaca madaxtooyadana lagala xaajoodo Arrimaha Beeshaada. Markaa Miyaanad masuuliyaddeeda yeelanayn, maxaadse kala socotay Wasiikii hore ee Nabadeynta gobollada Bari?

Waxaan qabaa horta qof, qof u rahman sidiisaba horta ma jiro. Mid waa la odhan karaa wixii qofku uu ka qabto deegaankiisa ama horumar ha noqoto ama guulo siyaasadeed ha noqotee, saamayn way ku yeelan kartaa, arrimihiisa masiiriga ah. Laakiin shaqsi tegay, kuwo ka waaweyn ayaa yimi kana magac-roon, kana qiimo-roon, ama siyaasiyiin ha noqdeen ama madax-dhaqan ha noqoto. Markaa qof tegay oo shaqsigiisa, markii horeba Keyse wuu innaga maqnaa, waxaanu isku deynay xukuumad ahaan inaan soo dhoweyno oo dalka uu yimaaddo, runtii intii gacanta lagu heyn karayey waa lagu hayey, markii dambena isagaa shaqsiyan u tegay, markaa isma lihi qof tegay qof kale saamayn ayuu ku yeelan karaa masiirkiisa siyaasiga ah.

Ta ku dhowaanshahana (Madaxtooyada) dadku waxbay iska mala-awaalaan, wasiirrada xukuumadu waa xubno siman, marka laga reebo wasiir walba waajibaadka gaarka uga saaran wasaarada uu qaranka masuulka uga yahay. Annigu ma tirsanayo inaan saaxiibbada kale ee xukuumadda aan ku wada jirno aan uga dhowahay madaxtooyada.

@HIMILO