Wasiir Xukuumadda ka tirsan oo Musharixiinta ku Tartamaysa KULMIYE u Gudbiyey Farriin Loo soo mariyey

Wasiirul-dawlaha Maaliyadda

Hargeysa (SLpost)-Wasiir duwlaha wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddani), ayaa murashaxiinta ku loollamaysa murashaxnimada Xisbiga Kulmiye ku wargeliyey inaanay lacag isaga khasaarin tartanka booskaas oo uu shegay inuu u taagan yahay madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Cismaan Saxardiid waxa uu sidaasi ka sheegay hadal uu ka jeediyey munaasibad shalay loo qabtay garabka mid ah ururkii doorashada ku hadhay ee UMADA oo uga diga-rotay xisbiga talada haya ee KULMIYE.

Wasiirul-dawlaha Maaliyadda
Wasiirul-dawlaha Maaliyadda

“Wali hadal kama soo bixin, marka nin kasta oo musharax ah ama golaha cusub ha noqdo ama kuwii ka horreeyey ka noqdaane, weli madaxweynihii wuu joogaaye yaanay lacag badani idinka bixin ayaan leeyahay,” ayuu yidhi Wasiir duwlaha maaliyadda Cismaan Cabdillaahi (Caddani).

Dhanka kale,  Wasiir Caddaani waxa uu mar kale meel fagaare ah ku soo hadal qaaday Madax-dhaqameedka dalka oo uu cambaarayn u jeediyey.

Wasiirul-dawlaha maaliyadda oo hadalkiisu u muuqday mid daba-socday weedho ay is-weydaarsadeen mid ka mid ah Salaadiinta dalka oo xukuumadda ka dalbaday xaalmarin laga siiyo hadal Wasiir Caddaani bishan horraanteedii munaasibadda tan oo kale ka sheegay in lacagtii la siin jiray madax-dhaqameedka loo wareejiyey dhanka Horumarka, waxa uu yidhi, “Suldaanku haddii uu siyaasadda soo galo oo la taataabto, yaanu xaal naga doonin.”

SOMALILANDPOST.NET