Wasiir Samaale oo Sharraxaad ka bixiyey Qaabkii uu ku Aqbalay inuu Muuse Biixi uga tanaasulo Guddoomiyenimada Kulmiye

samaaleHargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay go’aan uu liqi kari waayey oo madaxweyne Siilaanyo ugu jeediyey inuu Muuse Biixi uga tanaasulo Guddoomiyenimada Xisbiga Kulmiy eoo uu loollan adag u galay iyo sida uu u qaatay talada madaxweynuhu u jeediyey oo uu sheegay inuu ahayd mid aad ugu adkeyd, balse uu madaxweynaha ka aqbalay.

Wasiir Samaale waxa uu sidaas ka sheegay Shirkii Golaha Wasiirrada ee maanta oo uu lagu marti-qaaday Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, kaas oo lagu shaaciyey in la soo afjaray xurguf siyaasadeed oo u dhaxaysay hoggaanka Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadda.

HALKAN KA DHEGAYSO HADALKA WASIIRKA

 

Somalilandpost News

Hargeysa/Somaliland