Wasiir Ku Xigeenka Wasaraadda Macdanta Iyo Biyaha oo Kor-meer Ugu Baxay Degaanada Sanaag Bari, Si Wayna Loogu Soo Dhowayay Hadaaftimo + SAWIRRO

Hadaaftimo (SLpost)- Wefti Balaadhan Oo Hor Kacayo Wasiir Ku Xigeenka Wasarada Macdanta Iyo Biyaha Somaliland Mudane CabdiSalaan Maxamed Xasan oO  Dhowaanahba Socdaal Shaqo Oo Uu Ugu Kuur Gelayo Xaalada Deeganada Sanaag Kaga Soo Kicitiamay Casimada Somaliland Ee Hargaysa  Ayaa Si Wayn Loogu Soo Dhoweyay Magalada Hadaaftimo Ee Gobolka Badhan

Waxana Boqolaal Dadwayne Oo Ku Gaashaman Calanka Somaliland Iyo Gadiid Ahi Ay Weftiga Kaga Hor tageen Madasha Soo Dhowayn ta Wufuuda Ee Duleedka  Magalada Hadaaftimo.

wasiir ku-xigeenka Macdanta (6)Waxana Madashaasi Uu Wasiirku Mid Mid Ugu Gacan Qaaday Dadkii Soo Dhowayay Waxana Soo Dhowaytaasi Kahadlay Qaar Kamid Ah Saladinta Iyo Cuqaasha Degaankasi Oo Sheegay Inay Weftiga Iyo Wasiirka Kusoo Dhowaynayaan gacmo Furan

Wasiir Ku Xigeenka Wasarada Macdanta Iyo Biyaha Mudane Cabdisaalan Maxamed Hassan Ayaa Isaguna Dhiniica Uga Mahadnaqay Dadwaynaha reer Hadaftimo Sida Milgaha Iyo Maamuska Leh Ee Ay Usoo Dhoweeyen

Inta Kadibna Waxa Weftiga loo Sooo Gelbiyay Dhinaca Gudaha Magalada Hadaftimo Waxana Wasiir Ku Xigeenku Kormeerkisa Ka Bilaabay Dugsiga Hoose Dhexe Riiga Biyaha Xafiisyada Ururada Haweenka Ee Magalada hadaftimo Oo Uu Dhamaantodba Warbixina Ka Dhegaystay  Dhinicsan Balan Qaaday Inuu Tabashoyinka Bulsha Waynta Reer Hadaftimo ugudbin Doono Xukumada Somaliland

Ugu Dambayntiina Waxa Weftiga Wasiir Ku Xigeenku U Kicitimeen Dhinaca Gobolka Badhan Oo Duleedka Magaalada Badhan Ay Ku Sugayeen Masuulinta Maamulka Heer Gobol Heer Degmo Salaadiin Cuqaal Iyo Dadwayna Aad Utiro Badan Waxana Weftiga Wasiirka Lasoo Gelbiyay Shaarcyada Waawayn Ee Faras Magaalaha Magalada Badhan Kadib Kolkii Lasoo Gaadhsiyay Hoygii Loogu Tala Galay Waxa Uu Mahad Celiayay Shacab Waynaha Magalada Badhan Ee Aan So Dhowayntiisa Ukala Hadhin Waxa Sido Kale Munaasibadasi Soo Dhowaynta Ka Hadlay Gudomiyaha Gobolka Badhan Cabdixakiin Wahaabi Iyo Maayarka Degmada Badhan Maxamed Axmed Cismaan Bulbul.

Weftigan Uu Horkacayo Wasiir Ku Xigeenka Wasarada Macdanta Iyo Biyaha Oo Ujeedada Socdaalkoodu Salka Ku Hayo U Kuur Gelida Xaalada Deeganada Sanaag Bari Ayaa Kormeer Kusoo Maray DugsIYADA Alnuur Iyo Siinay Waxana Wasiirka Iyo Gudomiyaha Gobolka Badhan Munaasibad Shahaado Sharaf Lagu Gudoonsiyay Loogu Qabtay Dugsiga Alnuur Ee Magalada Badhan

Waxana Wasiirkuxigeenku Kormeer Kiisa Kusoo Maray Fasalada Dugsiga Siinay Isagoona Kulan La Qaatay Macalimiinta Dugsigaasi Sidoo Kalena Dhismaha Dugsiga Siinay Oo Qayb Kamid Ahi Uu Dhisme Iskaa Wax Uqabsa Ahi Ku Socdayna Halkaasi U Balaan Qaaday Inuu Dhamays  Tiri Doono

Intaa Kadibna Waxa Wasiir Ku Xigeenku So Gaadhay Xarunta Cusbitalka Guud Ee Gobolka Badhan Xerada Cidamada Qaranka Jaamacada Maakhir Oo Dhaamantodba  War Bixina Ka Dhegaystay.wasiir ku-xigeenka Macdanta (4)

Waxana Wasiir Ku Xigeenka Iyo Weftigiisu Xarunta Maamulka gobolka Badhan Kulan Kula Qaateen  Madaxda Maamulka Heer Gobol Iyo Heer Degmo Madaxda Dhaqanka  Salaadiin Culqaal Guurti Wayeel Haween Iyo Dhalin Yaro

Waxana Ugu Horaynba Halkaasi Ka Hadlay gudomiyaha Gobolka Badhan Cabdixaakin Wahaabi Iyo Maaayarka Degmada Badhan Maxamed Ahmed Osman  Bulbul Oo Sheegay Inay Soo Dhowaynayaan Weftiga Uu Hor Kacayo Wasiir Ku Xigeenka Wasaraada Macdanta Iyo Biyuhu.

Waxa iyaguna Munaasibadasi Ka Hadlay Nabadoon Xasan Faarax Iyo Caaqiil Maxamed Siciid Oo Ka Dhawajiyay Inay Soo Dhowaynayaan Weftiga Wasirka Isla markana Xukumada Somaliland Ee Uu Gaadhwadeenka Ka Yahay Madaxwayne Axmed Silaanyo  Ka Dalbaday In Wax Lagala Qabto Baahiyaha  Asaasiga Ah Ee Degaankaasi Dhinaca Biyaha Cafimaadka  Iyo Wadoyinka.

wasiir ku-xigeenka Macdanta (5)Xaawo Maxamed Xujaale Oo Ku Hadlaysay Afka Haween Waynaha Gobolka Badhan Ayaa Iyaduna Dhinaceeda Tilmaantay In Gobolka Badhan Nabad Gelyo Buuxda TaalO Isla Markaasina  Dad War Xuma Tashiil Ahina Ay Ka Been Abuurayaan.

Maayarka Degmada Badhan Maxamed Axmed Cismaan Bulbul Oo Isaguna Halkasi Ka Hadlay Ayaa Weftiga Wasiir Ku Xigeenka Macdanta Iyo biyaha Ku Tilmaamay Masuul Mudan Mansabka Jagada Wasir Nimo Islamarkaasina Ka Marag Kacay In Gobolka Badhan Ay Ka jirto Nabad Gelyo Taam Ahi Layskuna Halayn Karo.

Gabagabadii Munaasibadasina Waxa Ka hadlay Wasiir Ku Xigeenka Wasarada Macdan Ta Iyo Biyaha Mudane Cabdisalaan Maxamed Hassan Oo Shacabwaynaha Gobolka Badhan Uga Mahad Naqay Sida Diiran Ee Ay Uqaabileen Waxana Wasiirku Balan Qaaday In Cabashoyinka Iyo Farimohooda Xukumada La Gaadhsiin Doono Ila Markaasina La Tix Gelinayo.

Mohamed Yousof Bakayle

Mbakayle@gmail.com