Wasiir Ka Tirsan Dawladda Jarmalka Oo Safar Uu Ku Iman Lahaa Hargeysa U Baajiyay Xidhiidh La’aanta Xukuumada

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka dawladda Jarmalka u qaabilsan horumarinta iyo iskaashiga caalamiga ah Dr. Gerd Muller, ayaa baajiyay safar uu toddobaadkan ina dhaafay ku iman lahaa caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

1

Wasiirka, ayaa lix maalmood oo booqasho shaqo ah ku yimid bariga Afrika, waxaanu marayay dalalka Kenya, Tansaaniya iyo Djibouti, isagoo ay ahayd inuu Axadii toddobaadkii hore soo gaadho caasimadda Somaliland ee Hargeysa. Hase yeeshee wasiirka ayaa ka baaqday booqashadii uu ku iman lahaa Hargeysa, waxaanay warar xogogaali Geeska Afrika u sheegeen in sababta koowaad tahay xidhiidh la’aan dhinaca dawladda Somaliland ah, ka dib markii saraakiil wasiirka la socotay oo hab maamuuska u qaabilsanayd ay dawladda Somaliland ka codsadeen inay soo diyaarsadaan warbixin ku saabsan mashaariicda ay dawladda Jarmalku ka hirgelisay Somaliland iyo goobaha ay dawladdu doonayso inuu Wasiir Ger Muller booqdo.

Hase yeeshee, sida ay xogahani Geeska Afrika u sheegeen labadaas qodob iyo wax xidhiidh ah ayaa laga waayay dawladda Somaliland intuu  wasiirkani joogay bariga Afrika, waxaanu wasiirka reer Jarmal ka noqday dalka Djibouti, Isniintii 4 April.

Wasiirkan, ayaa socdaal uu ku yimaado Hargeysa, wuxuu u keeni lahaa Somaliland guul siyaasadeed iyo guul horumarineed, maadaama oo wasiir ka socda dawladda miisaan ku leh dunidu aanu la socon qorsheyaal madhan ee safarkiisu yahay mid qorshaysan oo ay suurtogal ahaan lahayd inuu Hargeysa kaga dhawaaqo mashaariic cusub oo horumarineed.

Xigasho Geeska Afrika