Wasiir ka Tirsan Dawladda Canada iyo Guddoomiye Cali Xaamud Oo Xuska 18 May La Oogay Jaaliyada Somaliland

Advertisement

Alberta (SLpost)- Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimey oo lagu maamuusay xuska sanad-guurada 32-aad ee ka soo wareegtey maalintii lagu dhawaaqey madax-banaanida Jamhuuriyadda Somaliland 18 May 1991 ayaa lagu qabtey magaalada Edmonton Gobolka Albert ee waddanka Canada.

Xafladaas oo ay soo qabanqaabisay jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan waddanka Canada waxa ka jeediyey khudbado taariikhi ah Wasiirka Dalxiiska iyo arrimaha dhaqaalaha Dalka Canada Randy Boissonnault,Gudoomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Wakiiladda Somaliland Md.Cali Xaamud jibriil, Suldaan Maxamed Suldaan Bare oo ka mid ah madax-dhaqameedka Somaliland, Gudoomiyaha kulan Somaliland Albert Mr.Khadar Jaamac iyo Gudoomiyaha qurbo-joogta Somaliland Mr.Cabdiqani Axmed Askar iyo Gudoomiyaha garabka haweenka Somaliland ee Edmonton Raaqiya Cali Qaafil.kuwaas oo dhammaantood ka xog waramey qiimaha 18 May ugu fadhido bulshada Somaliland oo iyagu xaqiijiyey iney noqdaan dal ka madaxbanaan Soomaaliya inteeda kale.

Gudoomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Wakiilada Somaliland Cali Xaamud Jibriil oo kala qaybgaley xaflad 18May Jaaliyada Somaliland ee Magaalada Albert dalka Canada ayaa ka hadlay qiimaha ay ugu fadhido Xuska maalinta qaranimada Somaliland ee 18-ka MAY.
“Waxaan u mahad-celinayaa Wasiirka Dalxiiska Canada Randy Boissonnault oo halkan u yimi inuu nagala qayb galo dabaaldega mumaasibada xuska 18 May” Gudoomiykuxigeenka 2aad ee golaha Wakiiladda Somaliland Cali Xaamud Jibriil

Advertisement

Gudoomiyaha garabka haweenka ee Edmonton Raaqiya Cali Qaafil oo munaasibadaa ka hadashay ayaa xustay in haweenka qurbo-joogta ay lagamamaarmaan tahay inay doorkooda ka qaataan dedaalka shacbiga iyo xukuumadda Somaliland ay ugu jiraan dhismaha iyo taabo-gelnta qarankooda

Sidoo kale waxaa isna halkaasi ka hadlay Suldaan Maxamed Suldaan Barre Warsae Shirre oo ka hadlay Munaasibadaasi ayaa sheegay in qurbo-joogta Somaliland ee ku dhaqan Canada ay yihiin dad isku duuban oo jecel qarankooda Jamhuuriyadda Somaliland.
“Haddii aynaan ku faro adeygin Somaliland oo aynu soo dhisaynay 32-sannadood oo aynu dumino maanta ogaada in aynu mar kale dib-u-dhisi doona 32 Sanadood” Suldaan Maxamed Suldaan Bare

Guddoomiyaha Kulan oo ah urur ay ku midoobeen qurbo-joogta Somaliland ee ku dhaqan magaalada Edmonton gobolka Alberta Khadar Jaamac ayaa sheegay in 13-kii May ilaa maanta ay ku jireen munaasibado kala duwan oo lagu weynaynayo gooni-isu-taaga iyo Qaranimada Somaliland,isla markaana waxa uu intaasi ku daray inay qurbo-joogta reer Edmonton ay dedaalkoodu halkaa ka sii laban-laabaan.

Gudoomiyaha qurbo-joogta Somaliland ee waqooyiga America Mr Cabdiqani Axmed Askar oo madashaasi ka hadlay ayaa ku booriyay in qurbo-joogta Somaliland ee ku dhaqan waddanka Canada inay meel qudha uga soo wada jeestaan dhismaha iyo horumarka adeegyada bulshada sida waxbarashada, caafimaadka, wax-soo-saarka beeraha iyo sidii loo samayn lahaa mashruucyo wax ku ool ah oo ay umadda Somaliland shaqo abuur u noqon kara

Xafladan ayaa qayb ka ahayd dabaal-degyo dhowr ah oo ka dhacay Waqooyiga America iyo Mareykanka, kuwaas oo dhammaantood lagu weynaynayey xuska maalinta qaranimada Somaliland ee 18-Ka MAY.

Advertisement