Wasiir Gaafaadhi oo soo bandhigay Hankiisa Murashaxnimo ee Booska Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye

Advertisement

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka ee Somaliland Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyay inuu u tartamayo guddoomiyaha xisbiga muxaafadka ah ee Kulmiye.

Wasiirka oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay inuu u taagan yahay musharraxnimada guddoomiyaha xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye, isagoo xusay in sannadkii 2012-kii uu aasaasay urur siyaasadeed markii dambe la midoobay xisbiga Kulmiye, kaasoo taageerayaal badan kusoo daray Xisbiga, waxaana uu tilmaamay in tan iyo waqtigaa uu doonayay inuu u tartamo guddoomiyaha xisbiga ee Kulmiye.

Wasiirku waxa uu intaas ku daray, in xisbiga muxaafadka ah ee Kulmiye ee uu la bahoobay uu kusoo daray waqtigaaasi 100,000 oo taageerayaashi xisbigaas ah, sidaas awgeedna uu maanta rajaynayo inuu u qalmo isla markaana loo dooran doono guddoomiyaha xisbigaasi.

Advertisement

Geesta kale, Wasiirka Horumarinta Caafimaadka ee Somaliland waxa uu intaas raaciyay in haddii loo doorto jagadaasi uu horseedi doono taageerayaal badan oo Xisbiga kusoo biira, isla markaana uu ku dedaali doono sidii mar saddexaad uu Xisbiga Kulmiye uu ugu guuleysan lahaa madaxtinnimada dalka.

Advertisement