Wasiir Dawladda Muqdisho Ka Tirsan Oo Sheegay In Somaliland Iyo Soomaaliya Aanay Wada-hadalladu Ka Dhab Ahayn

Muqdisho (Slpost.net)-Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ku eedeeyey in dawladaha Somaliland iyo Soomaaliya in aanay dhab ka ahayn wada hadalada u dhexeeyaa, islamarkaana aanay waxba ka ogeyn wada hadaladaasi Gollayaasha iyo hay’adaha kala duwan ee dawladaha Somaliland iyo Soomaaliya.

xamar

Wasiir Maareeye ayaa arrintan waxa uu kaga hadlay Wareysi gaar ah oo uu siiyey telefishanka Kalsan, gaar ahaan Barnaamijka la yidhaa War isii, kaasoo uu telefishanku baahiyey qayb hordhac ah oo ka mid ah Wareysigaasi.

Wasiir Maareeye oo ka jawaabaya su’aal ku saabsan sida uu arko wada hadalada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya ayaa waxa uu yidhi “Soomaalidu Wada hadalada dhab kama aha, Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya hay’adaheeda oo dhami ma oga, xattaa inay dib-u-heshiisiini socoto ma oga, Somaliland-na gollaha wasiiradu ma wada oga, Gollaha baarlamaanku ma oga, shaqsiyaad uun weeyi,Madaxtooyadda iyo meelahaa ayaa laga dirraa, mana aha wax aanu u wada hadalno oo rasmiya”.