Wasiir Cadami Oo Sheegay In Guddigii Madaxweynuhu U Saaray Baadhisita Dilalka Saraakiishu Ay Warbixin Diyaariyeen

Hargeysa (SLpost)-Wasiirka Gaashandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Caddami ayaa waxa uu ka waramay halka ay wax u marayaan Guddidii uu Madaxweynuhu u xilsaaray inay baadhitaan ku soo sameeyeen dilalka Saraakiisha, waxaanu sheegay in Guddidaasi hawshii loo xilsaaray iyo baadhitaankii ciidamada soo dhamaystireen, isla markaana warbixintii ay ka soo saareen ay isaga soo gaadhsiiyeen.

Wasiirka Gaashandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Caddami oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay Abaaraha dalka ka dhacay.

Isagoo ka hadlaya warbixinta ay guddigaasi soo diyaariyeen, wuxuu wasiir Cadami yidhi “Wax walba oo dhaca waxay ku dhacaan qadar ALLEH, waana wax uu ALLE qoray, Ciidamaduna iskumay dilin sida hawlo dhul iyo wax la mid ah, ee dilalkaas Saraakiisha ee dhacay waxay ahaayeen maqaadiir iyo wax qoran, Guddi khubaro ah ayaa loo xilsaaray, Guddidaasi baadhitaano badan ayey sameeyeen, oo ay Askarta ku sameeyeen, baadhitaanadaasna muddo ayey wadeen weyna soo dhamaystireen, anigana qoraalkii baadhitaanku wuu i soo gaadhay, Madaxweynahana waa loo gudbinayana, wixii isbedel ah ee lagu sameyn karana waa lagu sameyn doonaa, dhawaan waanu soo bandhigi doonaa natiijada iyo nuxurka qoraalkan oo rasmiya,si looga sii feejignaado, loogana hor tago xalna loogu helo waxyaabaha keenay dilka Saraakiisha, waxa aanu kula talinayaa Askarta iyo Saraakiisha in wixii khilaaf dhalin kara inay ka dheeraadaan”.

Wasiir Caddami ayaa mar uu ka hadlaayey dagaalkii dhex maray ciidamada badda Somaliland iyo Djibouti ayaa yidhi “Badda Somaliland iyo Badda Jabuuti xad ayey kala yihiin, Jabuutina waa dal aynu jaar nahay walaalana nahay, haddii hubsiimo la’aani dhacday,oo khilaaf ina soo kala dhexgalay waxaan rajaynayaa in khilaafkaasi dhammaado, imikana Wasiirkii Daakhiliga, Wasiirkii Kalluumaysiga iyo Taliyihii Badda ee Somaliland ayaa ku maqan Jabuutina; waxaana ku rajo weynahay in meel wanaagsan wax la isla dhigo, mana doonayo in aan ka sii hor dhaco, arimahaas”.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Gaashandhiga ayaa waxa uu ka hadlay Abaaraha dalka ka dhacay, waxaanu sheegay inay dadku u baahan yihiin gurmad deg deg ah, waxaanu ku taliyey in dadka reer miyiga ah ee ay Abaaruhu hayaan loo gurmado, isaga oo ka mid ah weftigii Madaxweyne ku xigeenka ee tagay Gobolka Awdal ayaa waxa uu tilmaamay inuu ku soo arkay deegaano ka mid ah Gobolka Awdal dad ay Abaaruhu aad u sameeysay, waxaanu ugu baaqay Ganacstada iyo cid alaale cidii wax ku tari karta dadka ay Abaaruhu hayaan inay gurmad la gaadhaan, waxaanu ILLAAHAY ka baryey inuu abaaraha nimco iyo raxmad inoogu bedelo”

Geeska