Wasaaradda Waxbarashada Somaliland oo Ruqsado Guddoonsiisay 40 Dugsi oo Gaar loo leeyahay

 

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ee Somaliland, ayaa maanta Documenti Ogolaansho Shaqo oo sannad kasta looga baahan yahya inay cusboonaysiistaan guddoonsiisay 40 Dugsi waxbarasho Gaar loo leeyahay oo ku yaalla caasimadda Hargeysa.

Munaasibadda guddoonsiinta Ruqsadda Shaqo ee Dugsiyaga Gaarka loo leeyahay oo ku qabsoontay Xarunta Wasaaradda, waxa ay ka qayb-galay masuuliyiinta ugu sarreysa Wasaaradda, maamulka gobolka iyo maamullada dugsiyada gaarka loo leeyahay ee Caasimadda.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Axmed Abokor oo munaasibadda ka hadlay, ayaa sheegay inaanay jirin wax kala-duwanaanshiyo ah oo u dhexeeya Dugsiyada Gaarka loo leeyahay iyo kuwa dowladda marka loo eego u hoggaansanaanta xagga shuruucda iyo xeerarka waxbarasho ee dalka, isagoo agaasimuhu bogaadiyey dugsiyada maanta la guddoonsiiyey Ruqsadda Shaqo.

WARKAN OO FAAHFAAHSAN KAGA BOGO MUUQAALKA HOOSE