Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Oo Mar Kale Amar Ka Soo Saartay Midaynta Direyska Ardayda Dugsiyada Dalka

midaynta Dirayska dugsiyada somaliland

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, ayaa ka digtay kala duwanaanta diraysyada ardayda isku fasalka ah ee dalka, waxaanay caddaysay in dhammaan ardayda dalka dugsiyada isku heerka ahiba in ay ku dhaqmaan wareegtada sannadkii hore soo baxday ee lagu meel mariyay dirayska waxbarasho ee dalka.

Waxa kale oo wasaaraddu ay ka hadashay ardayda fasalka fadhiisanaysa tirada looga baahan yahay iyo in aan laga badin karin tirada fasalka loo qorsheeyay oo ay dambi tahay haddii lagu arko tiro ka badan oo fasal wada fadhida.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Cabdirisaaq Jaamac Nuur (Naakhuude) oo ka hadlayay sida aan loo aqbalayn inay fuli waydo wareegtadii amarka wasiirka ee midaynta dirayska ardayda dalka, ayaa yidhi “Sannad ka hor waxa soo baxday Wareegto Wasiir oo ka hadlaysay Ardayda dhigta Dugsiyada dalka ee Dugsiga Hoose dhexe iyo Sare in ay yeeshaan diraysyo kala duwan, waxaana aynu joognaa xiligii Ardayda Somaliland ka sinnaan lahaayeen Dirayskaa. Sidaa darteed waxaan farayaa.”

“Guddoomiyeyaasha Wasaaradda Waxbarashada ee heer Gobal iyo Degmo iyo heer Dugsi  in wareegtadaasi sideeda u dhaqangasho oo aan la arag Arday ku fadhiya fasalka  diraysyo oo kala kaan kaan ah ama kala duwan, waa in dugsiyada hoose laga wada helo dirayskooda, dugsiyada dhexena dirayskoda, dugsiyada  sarena dirayskooda sharciga ah ee la ogol yahay,” Sidaas ayuu yidhi Agaasimaha Guud.

Agaasimaha guud oo ka hadlayay sida loo illaalin doono tirada ardayda fasal wada fadhiisanaysa waxaa uu yidhi, “Waxa aynu aragnay Fasal aad u yar oo arday ka tiro badani ay  fadhiyaan, haddii la isla garto in  ay fadhiistaan fasalka  20 Arday, sharci darro ayay noqonaysaa in 21 arday ay fadhiistaan fasalka, waayo? waa in nidaamku shaqeeyo”.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net