Wasaaradda Waxbarashada Somaliland oo Hirgelinaysa 31 Dugsi oo laga Maalgelinayo Miisaaniyadda Dowladda

Advertisement

 

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ee Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), ayaa maanta daahfuray mashruuc dugsiyo hor leh lagaga dhisayo gobollada dalkas, kuwaas oo lacagta ku baxaysa laga maalgelinayo Miisaayadda dowladda.

Mashruuca Wasiirku daah-furay maanta, ayaa ka kooban dhismaha 31 dugsi oo laga hirgelin doono guud ahaan gobollada dalka, gaar ahaan deegaamada ay ku yar yihiin goobaha waxbarashada dowliga ah ee dalka.

Advertisement

Munaasibad loo qabtay daah-furka dhismeyaasha dugsiyada oo ay goob-joog ka ahaayeen agaasimaha Guud, agaasimaha waaxda maamulka iyo agaasimaha waaxda hantida ee wasaaraddaasi, waxa ka hadlay Wasiirka Wasaaradda waxbarashada iyo sayniska ee Somaliland oo sheegay in kow iyo sodonkaas dugsi laga hirgelin doono guud ahaan gobollada dalka, isla markaana ay qayb ka yihiin fidinta iyo ballaadhinta waxbarashada si loo daboolo baahiyaha dhanka waxbarashada ee dalka.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) ayaa sheegay in ilaa todoba boqol oo deegaan oo dalka ahi ayna lahayn dugsiyadii waxbarashada, wuxuuna daboolka ka qaaday in ay u qorsheysan tahay wasaaradda waxbarashada in sannadka dambe ay hiergeliso laba boqol oo dusi waxbarasho, si kor loogu qaado waxbarashada, isaga oo u mahadnaqay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, mas’uuliyiinta wasaaradda maaliyadda, xisaabaadka qaranka, baanka dhexe iyo cidkasta oo gacan ka geysatay hirgelinta dugsiyadaas.

Geesta kale, agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Axmed Abokor Maxamed, agaasimaha waaxda maamulka Maxamed Saleebaan iyo agaasimaha waaxda hantida Yuusuf Xuseen, oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in dhaqaalaha ku baxaya dugsiyadaas laga maalgelin doono miisaaniyada wasaaradda, taas oo ah cashuurtii muwaadiniyiintu bixiyeen dibna loogu celinayo si ay u helaan adeegyada ay uga baahn yihiin dawladda ee ay waxbarashadu ka mid tahay, waxayna u soo jeediyeen bulshada ku dhaqan deegaanada laga hirgelinayo dugsiyadaasi in ay ka faa’iideystaan oo ay keenaan ubadka u baahan waxbarashada.

Muuqaalka Hoose ka daawo Hadalladii ay masuuliyiintu ka jeediyeen madashii lagu daah-furay 31-ka dugsi ee wasaaraddu ka hirgelinayso dalka

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

 

Advertisement