Wasaaradda Waxbarashada oo Sanduuq Gaar ah u Samaysay Taageero Bahda Tacliintu kaga Qayb-qaadanayaan Dhismaha Waddada Ceerigaabo

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa kaga dhawaajisay Qorshe Bahda Tacliinta dalka ee hormoodka ka tahay kaga qayb-galayaan dhismaha Waddada isku xidha magaalooyinka Burco iyo Ceerigaabo oo madaxweyne Siilaanyo maanta Dhagax-dhigay.

Marwo Samsam Cabdi Aadan waxa ay hirgelinta iyo dhammaystirka Jidkaas oo lagu guulaysto ku tilmaantay mid ka hor tagi karta isla markaana wax ka tari karta Tahriibta Dhalinyaradu ugu baqoolaan waddamada Yurub, iyada oo taas ku sababaysay Quruxda iyo bilicda ay leedahay Buurta Daallo ee duleedka magaalada Ceerigaabo, ardayda dugsiyada dalka booqasho loo geyn doono.

Wasiirka Waxbarashada Marwo Samsam Cabdi Aadan oo ka hadlaysay munaasibad madaxweynaha Somaliland maanta ku dhagax-dhigay dhismaha waddadaas, ayaa sheegtay inay wasaarad ahaan Xisaab Gaar ah (Account) u fureen ka qayb-qaadashada dhismaha waddada isku xidha Burco iyo Ceerigaabo, kaas oo dhammaan Bahda Waxbarashada kaga qayb-qaadanayso taakulo ay ka geystaan dhismaha Jidkaas.

Samsam Cabdi Aadan “Illaahaybaa inagu simay inaynu u joogno waddadii Ceerigaabo dhagax-dhiggeedii oo Illaahay Inala Gacan-qaban doono inaynu dhammaystirno. Anigu waxaan ku balla-qaadayaa, horena waan u ballanqaaday, bahda waxbarashada; arday iyo macalin meel ay joogaanba Akoon baanu u furnay, hal Dollar iyo Nus-dollar kii ku ridaaba, waa boqolaal kun oo Arday, Shan boqol oo Kun (500,000) kama yara ardayda Somaliland, Maclimiintuna 7,000 kama yara. Dadka kale ee waxbarashaduna waa badan yihiin, intaas oo dhami markay ku shubaan,” ayey tidhi marwo Samsam Cabdi Aadan.

Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare waxa ay intaas ku dartay, “Waa dariiqii waxbarashada, dabadeedna ardaydeenna u dalxiis-geyn karro oo ay arki karaan Ceerigaabo Dhulka ku yaala ee ay ku jirto Buurta Daallo quruxdeeda umaba baahna inay Yurub Qabtaan, carruurta Tahriibtu way ka yaraan doontaa, Ilaahayna ha inagu guuleeyo dhismaha waddadaas, madaxweynahana aad baan u mahad-naqaynaa,” ayey tidhi Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.

SOMALILANDPOST.NET